4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 28, 2013
XILDHIBAAN CABDULLAAHI JAAMAC: “Federaal beeleysi ku salaysan wuxuu dalka u horseedi karaa dagaallo sokeeye”

Sabti, September 28, 2013 (HOL) — Xildhibaan C/llaahi Jaamac oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ahna xubin ka tirsan guddiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo warshadaha baarlamaanka Somalia ayaa sheegay in federaal ku saleysan hab beeleed uu horseedi karo dagaallo sokeeye.

“Somalia waxay kusii durkeysaa jiha aan la aqoonin, waxyaalaha dhawaan dhacayayna waxay tilmaamayaan in hadba markii aan kusii sinqanno hir-gelinta dastuurka KMG ah waxaa culeys uu fuulayay dowladdii Soomaaliya oo dib loo soo celiyo. Caqabadda ugu weyn ee Soomaliya dib ugu soo noqon la’dahay waa iyadoo aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta Soomaalidu ay ka gudbi waayeen siyaasad qabiil ku dhisan oo tiirkeedu yahay kala shakin aan xog-sugan xambaarsanayn, taasoo ah middii markii horeba dalka burburisay,” ayuu yiri xildhibaanku qoraal uu soo gaarsiiyay HOL.

Mudane C/llaahi Jaamac oo sii hadlay ayaa sheegay in midaamka federaalku waayahan dambe noqday hub loo adeegsado in lagu daciifiyo dadaallada lagu doonayo in lagu soo celiyo awooddii dawladnimo, iyadoo micnaheedu yahay in la xoojinayo danaha qabiilka oo laga dhex helay federaalka qabiilka ku dhisan.

“Golaha baarlamaanka waxaa ka jira laba kooxood oo middoo ay taageersan tahay federaalka iyo mid kasoo horjeedda. Kooxda federaalka taabacsan ma ahan federaaliyiin ee waa federal is-garab socda(dual federalism), fikirkaas oo ku saabsan in dowlad-goboleedyada aysan ka amar qaadan dawladda dhexe. Madaxweyne Faroole wuxuu ka hadlayaa ma aha federal ee waa Con-federal ama federal is-garab yaacaya.(dual federalism),”  ayuu xildhibaanku yiri.

Nidaamka “dual federalism” waa nidaam waddadiisu dheer tahay oo xanuun badan tahay; waxaana soo maray dalka Maraykanka intii u dhaxaysay 1789 ilaa 1901, nidaamkaas oo aan aqoonsanayn dowladda dhexe awooddeeda., arrinkani wuxuu ka mid yahay wixii ay Maraykanku isku dileen dagaalkii sokeeye ee dhexmaray (1861-1865);

Waxaa la yiraahdaa dagaalkii sokeeye ee Mareykanka waxaa sabab u ahaa dadkii madoobaa ee la  adoonsan jiray oo la xoreeyay, hase ahaatee arrinku intaas keliya ma ahayn ee waxaa sababaha ka mid ahaa in dowladaha Koofureed ee beeralayda ahaa ay ka biyo diideen awoodda dowladda federaalka, iyagoo aamminsanaa in dowlad-goboleedku yihiin kuwa awoodda kama dambeysta ah leh maadaama ay iyagu dhiseen dowladda dhexe, nidaamkaasina waxaa loo yaqaan(dual federalism/confederacy).

Madaxweyne Abraham Lincoln oo lagu yiqiin inuu addoonsiga kasoo horjeedo ayaa la doortay November, 1860. Dowladihii Koofureed baa durba billaabay inay ka goostaan dawladdii dhexe bishii Jannaayo 1861-kii, kaddibna waxaa qarxay dagaalkii sokeeye oo muddo shan sano ah socday kaasoo ay ku naf-waayeen 618.000 qof, loogana adkaaday gooni goosatadii.

Haddaba, waxaa la oran karaa in Somaliland iyo Puntland ay sameynayaan wixii dowladaha Koofureed (South Carolina ,Missipi iyo Alabama ay sameynayeen 200 sano ka hor. Amase, nooca federaalka ay dad badani hadda ku doodayaan uu la mid yahay Confederacy ay ku doodayeen gooni goosatadii dowladaha Koofureed (Southeren States), maxaa yeelay waxaa hadafkooda saldhig u ah inaan la aqoonsanayn awoodda kama dambeysta inay leedahay dowladda dhexe. 

Haddaba, haddii ay Maraykanka oo aqoon iyo xadaarad inta aan isku jirno la ogsoon yahay ay ku qaadatay 200 sano inuu fahmo nidaamka federaalka ah, maxaad u malaynaysaa in Soomaalida xoola dhaqatada ah uu fahamkiisu ku qaadan doono? Anigu waxaan qabaa inaysan marna fahmi doonid, waayo waa nidaam aan sahlanayn inkastoo caalamka looga dhaqmo, Soomaaliyana ma aha dhulkii uu ku habboonaa in laga hirgeliyo, maxaa yeelay federaalka Soomaalidu waddo waa mid ku xarran astaan qabiil oo xuduuddiisa ay ku calaamaysan tahay. Waxaa federaalka noocan ah sii murjiyay inay jiraan gobollo lagu muransan yahay oo aakhiritaan dagaal horseedaya.

Bal eeg, Somaliland iyo Puntland oo labaduba sheeganaya Sool, Sanaag iyo Cayn, dhowr jeerna dagaal ku dhexmaray gobolladaas. Hadda gobolladaas waxay la baxeen Khaatumo State waxayna dagaal kula jiraan laba maamul oo arrinkooda isku haysata.

Gobolka Mudug, Puntland iyo Galmudug cidina uma kala calaamayn, magaalada Gaalkacyo waxay u qaybsan tahay laba maamul oo aan xiriir wanaagsan lahayn kuwaasoo ka kala taliya xaafadaha Garsoor iyo Wadajir, iyadoo la oran karo waxaa dhex-yaalla darbigi Baarliin.

Dhawaan waxaa Kismaayo looga dhawaaqay maamul la baxay Jubbaland (J/Hoose, J/Dhexe & Gedo) oo salka ku haya Jabhadihii SSDF/USP, wuxuu kaasi u horseeday in Baydhabo looga dhawaaqo lix gobol oo salka ku haya Jabhaddii RRA loona bixiyay South-west state, waxaa lixda gobol ku jira saddexdii Jubbaland.

Waxaa suuro-gal ah in dhawaan la dhiso siddeed gobol oo salka ku haya Jabhaddii USC, gobolladaas oo ay ku jiraan J/Hoose, Sh/Hoose iyo J/Dhexe.

Halkaasna waxaa ka muuqda astaan colaadeed iyo dal aan marna xasillooni ka dhici karin, maxaa yeelay waxaan dhammaanteen isku qornay in aan difaacno nidaamyada ku saleysan hab beeleysiga halkii aan ka difaaci lahayn qarannimo. Ma jiro gobol Soomaliyeed oo qabiil gaar ah uu leeyahay mana dhici karto inaanu yeelanno xuduud qabiil ku calaamaysan.

Wey dhib badan tahay in dal burburay dib loosoo celiyo, gaar ahaana markii dalkaasi uusan lahayn dastuur hagaagsan. Dastuurka KMG-ka ah ee noo yaal waxaa ku jira qodobbo iska hor-imaanaya, waxaana u sabab ah inuusan ahayn dastuur isku toosan, waxaa ku jira tanasulaad loo sameeyay qaar ka mid ah saxiixayaashii RoadM-ap xilligii kala guurka. Su’aasha ugu weyni ee taalla waxay tahay maxaan federal ka hadalnaa dalkii gacanta kuma haynno, oo waxaa haysta badankiisii Al-Shabaab? Sidaas awgeedbaa caqliga saliimka ahi dhigayaa in marka hore gobol-gobol dalka loo xasiliyo, maamulkana hoos laga soo dhiso kaddibna sidii laysku raaci karo laga fikkiro.

Dalka si loo xasiliyo waxaa loo baahan yahay dowlad dhexe oo awood leh, taasna dad badan oo naga mid ah ayaa aad uga soo horjeeda, haddaba sidee dawladnimadii kusoo noqonaysaa?

Waxay aniga iigu muuqataa in mustaqbalku madow yahay inta aan ka go’aansanayno in siyaasadda qabiilka ku dhisan aan ku  beddelayno mid qarannimo ku dhisan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya