4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
Nickolas Key oo soomaalida London la kulmay


Jimco, Friday, September 27, 2013 (HOL) - Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nickolas Key ayaa la kulmay jaaliyadda soomaaliyeed ee London galabnimadii Axadda 22 sebtember. Kulankaas oo ay dad badani ka soo qeyb galeen ayaa waxaa ku wehlinayey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya UK  Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe), La taliyaha Wakiilka Xoghayaha Guud Nuuradiin Aaden Diiriye iyo Guddoomiyaha jaaliyadda soomaaliyeed ee UK Cabdi Cumar.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay wakiillo ka kala socda guddiyada odayaasha, waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo wakiil u hadlayey xawaaladaha

Wakiilka Xoghayaha Guud ayaa wuxuu ka hadlay dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin nabadgelyada, dhaqaalaha, shirkii Brussels, tayeynta hay’adaha dawliga iyo weliba arrinta xawaaladaha soomaaliyeed iyo ciriiriga la soo gudboonaaday. Mr. Key oo ka jawaabaya rajada uu ka qabo in Somalia cagaheeda ku istaagto ayaa ku jawaabay “Haa, waan qabaa in ay taa dhici doonto waana jiraan calaamado dhowr ah oo taa cadeynaya”. Hase yeeshee wuxuu sheegay in muddooyinka dambe ay jiraan dhibaatooyin iyo caqabado maxaa yeelay dhibaatada Soomaaliya  waa mid soo jiitameysay muddo dheer. Wakiilku wuxuu sheegay in ay caddahay in xaaladda nabadgelyo ay muddooyinka dambe ay soo xumaatay gaar ahaan Muqdisho, balse uu ku kalsoon yahay in ay hagaagi doonto.

Danjire Sanbalooshe oo isagu ku soo dhaweeyey hadalka Mr. Key ayaa waxa uu ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay in dalkiisa uu wakiil uga noqdo Britayn uuna ku dadaali doono sidii uu u gudan lahaa hawshaa culus ee loo xilsaaray iyo sidii uu jaaliyadda dhibaatooyinkeeda uu wax uga qaban lahaa.

Kulankaas oo ahaa mid aad u kululaaday markii dambe ee laga hadlayey xawaaladaha,  jaaliyaddu waxa ay muujiyeen sida ay uga welwelsan yihiin in bangiyada Britayn ay  xiraan xisaabaadka xawaaladaha.

Ugu dambeyntii ayaa Wakiilka Xoghayaha Guud Key, Danjire Sanbalooshe, La taliyaha Mr. Key Nuuradiin Diiriye iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Cabdi Cumar waxa ay u mahad celiyeen ka soo qeyb galayaashii iyo intii fikirkooda halkaa ka soo jeedisay.



Hashim Duale
Hiiraan Online, London
[email protected]