4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
Kenya oo Sheegtay in Ciidankeedu ay sii joogi Doonaan Somalia ayna xoojin doonto dagaalka ay kula jirto Ururka Al-shabaab


Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Kenya ayaa sheegtay jimcaha maanta ah in aysan ciidamadeeda kala baxayn Soomaaliya, iyagoo hadalkii kasoo yeeray hoggaamiyaha Al-sabaab ee ahaa inay weerarro kale ka geysanayaan Kenya ku tilmaamay mid aan wax macno ah ku fadhin.

“Ciidamadeennu way sii joogayaan Soomaaliya, waayo Al-shabaab waxay ku tahay khatar ammaankeenna… waxaa naga go’an inaan xoojinno dagaalka aan kula jirno kooxdan tan iyo inta uu ammaanka dalkeennu uu noqonayo mid ka nabad gala weerarraada kooxdan,” sidaa waxaa warbaahinta Nairobi ugu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo hoggaamiyaha guud ee Al-shabaab uu sheegay shalay inay sii wadayaan weerarrada ay Kenya ka geysanayaan haddii aysan dowladda Kenya ciidamadeeda sida ugu dhaqsiyaha badan ugala bixin Soomaaliya.

Kenya ayaa waxay kumannaan askarteeda ka tirsan u soo dirtay Soomaaliya laba sano ka hor si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, waxaase Al-shabaab ay ku guuleysatay inay dalka Kenya ka geysato weerarro labadaas sano, kuwaasoo uu ku jiray midkii maalmo ka hor lagu qaaday suuqa Westgate Mall oo ay ku dhinteen dad ku dhow 70-qof.

Dadkii ku dhintay weerradaas ayaa waxaa ku jiray dad ajnabi ah oo u kala dhashay dalalka: Britain, Kanada, Shiinaha, Faransiiska, Holland, Hindiya, Koonfur Afrika, Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya.

Hay’adda laan-qayrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in weli ay maqan yihiin 59 qof oo lagu waayay weerarkii suuqa Westgate oo billowday Sabtidii lasoo dhaafay, kaasoo sheegatay mas'uuliyaddiisa Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ka qayb-galay maanta aaska dad ku dhintay weerarkii Westgate, kuwaasoo ay ku jireen kuwo ehel ahaayeen, waxaana uu ku sheegay hadal uu jeediyay in Kenya ay ka aargudan doonto Al-shabaab.

Dhanka kale, ciidamada Kenya oo kaashanayo quburo caalami ah oo ka socda dalal ay ka mid yihiin: Britain, Mareykanka, Israa’iil, Jarmalka, Kanada iyo xubno ka tirsan booliiska adduunka ee Interpol ayaa waxay baaritaanno ka wadaan dhismaha Westgate, halkaasoo maanta laga helay bambooyinka gacnta laga tuuro oo aan weli qarxin iyo dad la la'aa.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Ole Lenku ayaa sheegay in shan ka mid ah kooxihii ka dambeeyay weerarka la dilay intii uu socday howlgalkii lagu badbaadinayay dhismahaas oo ku yaalla bartamaha Nairobi, saddex kale ayuu inay booliisku gacanta ku hayaan ayna ku socdaan baaritaanno.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa kii ugu xumaa ee dalkooda soo mara tan iyo 1998-kii markaasoo xubno taabacsan Al-Qaacida ay qarxiyeen safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Nairobi, weerarkaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 250-qof.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya