5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 27, 2013
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku baaqay in Dagaallada lagula jiro Al-shabaab Hal Meel looga soo Wada-jeesto


Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayay la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah ayaa soo jeediyay in caalamku uu hal meel uga soo wada-jeesto dagaalka lagula jiro Al-shabaabta Soomaaliya.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiyeen dalalka Itoobiya iyo Talyaaniga ayuu ka sheegay Ban Ki-Moon in Al-shabaab ay khatar weyn ku tahay Soomaaliya iyo caalamka oo dhan, isagoo sheegay in loo baahan yahay in dagaalkooda la iska kaashado.

“Dagaal lala galo Al-shabaab wuxuu yareynayaa khatartooda, waa in laga qayb-qaato dhismaha ciidamada xoogga Soomaaliya oo meesha ka saari kara Al-shabaab,” ayuu Ki-Moon ka sheegay shirka.

Sidoo kale, Ban Ki-moon wuxuu muujiyay muhiimadda ay leedahay in laga qaybqaato dib u dhiska ciidamada ciidamada Soomaaliya, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay inay ka hortegi karaan khataraha argagaxisada.

Dhanka kale, Ban Ki-Moon ayaa ku ammaanay dowladda Itoobiya kaalintii ay ka qaadatay heshiiskii dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba, kaasoo bishii lasoo dhaafay dhammaadkeeda lagu saxiixay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay shirkan, isagoo ka hadlay dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto sidii ay uga adkaan lahayd Al-shabaab oo uu sheegay inay khatar ku tahay dunida oo dhan.

“Al-shabaab waa koox khatar weyn ku ah Soomaaliya, sidoo kale waxay ku yihiin khatar dalalka Afirka iyo caalamka oo dhan, dunida oo dagaalka lagula jiro meel uga soo wada-jeesatana waxayna yareyn kartaa khatartooda,” ayuu madaxweynuhu ka sheegay shirka.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu ay mar walba muhiimadda koowaad siinayso dhismaha ciidamada qalabka sida iyo sugidda ammaanka, isagoo xusay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kaga adkaadeen Al-shabaab dagaalkii fool-ka-foolka ahaa.

Shirkan oo lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo dunid ay qaybato, iyadoo Al-shabaab ay sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkii maalmo ka hor lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi.

Xarakada Al-shabaab oo labadii sano ee lasoo dhaafay dhul ballaaran looga qabsaday dagaallo ka dhacay gudaha Soomaaliya ayaa waxay mar kale u muuqataa inay xoojisay weerarradeeda gaadmada ah ee ay ka geysanayso Soomaaliya iyo dalalka dariska ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya