4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Magaalada Ankara kula kulmay dhiggiisa dalka Turkiga Reccep Tayyip Erdogan (SAWIRRO)


Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada Anrka ee xarunta dalka Kenya, ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyagoo kawada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga u dhexeeya.

Saacid iyo Ergodan ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo xukuumadda Kenya weerarkii argagixiso ee lagu qaaday Westgate Mall. Iyagoo sheegay inay ka xun yihiin weerarkaas iyo dadkii shacabka ahaa ee waxyeelladu kasoo gaartay.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in weerarkii lagu qaaday safaaradda Turkigu aysan ahayn oo kaliya weerar lagu qaaday shaqaalaha rayidka ah ee Turkiga, balse uu ahaa mid lagu qaaday shacabka Soomaaliyeed, isagoo danta laga leeyahay ku sheegay curyaaminta howsha samafalka ah ee Turkiga ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

“Mashaariicda Turkigu kawado Soomaaliya ma ahan kuwo lasoo koobi karo, Turkigu waxay maalgelinayaan waxbarashada iyagoo boqolaal dhallinyaro Soomaaliyeed ah siiyay waxbarasho lacag la’aan ah, caafimaadkana ay ku sameeyeen maalgelin sida dayac tirka isbitaalka Digfeer iyo goobo kale oo caafimaad, maalgalinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada sida waddooyinka iyo biyaha. Dhamaan mashaariicdan waxay tusaale cad u yihiin dowladda Turkigu u garab taagan tahay shacabka soomaaliyeed,” ayuu yiri Saacid.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga oo isaguna kulanka hadal ka jeediyay ayaa yiri: “Mashaariicda aan Somalia aan ka fulinayno waxay kaalin mug leh ka qaateen dib-u-soo celinta rajada dalka Soomaaliya, hormarinta ammaanka, abuurista shaqooyinka iyo sidii Somalia ay u heli lahayd dariiqa saxda ah ee dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka ah,” ayuu yiri Recep Erdogan.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga wuxuu soo dhaweeyay xiriirka dhow ee labada dal, heshiisyada labada dowladood ay wada gaareen iyo iskaashiga ay wadaagayaan Turkiga iyo Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa uga dawladda iyo shacabka Turkiga uga mahadceliyay sida ay u gacan qabteen Somalia isla markaana wuxuu soo dhaweeyay mashaariicda aan joogsiga lahayn ee Turkigu uu ka wado Soomaaliya, sida dhismaha hay’adaha dawladda, cadaaladda, wax-barashada, caafimaadka iyo dib u soo noolaynta adeegyadii bulshada, isagoo sheegay inuu rajaynayo in mar kale Erdogan soo booqdo Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya