3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
Dhaqdhaqaaqii Ganacsiga ee Xaafadda Islii Nairobi oo dib u soo laabtay iyo Baqdin ay qabaan Soomaalida ku nool Xaafaddaas


Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa maalmihii uu socday weerarkii lagu qaaday Westgate Mall waxaa ka jiray baqdin, iyadoo ganacsiga uu hoos u dhacay, inkastoo maanta oo Jimco ah uu dib u soo laabtay guud ahaan ganacsigii ka jiray xaafaddaas.

Ganacsatada xaafaddaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu dib u soo laabtay ganacsiga inkastoo ay jirto baqdin ay ka qabaan in baaritaan lagu dhibaateeyo ay xaafaddooda ka sameeyaan ciidamada Kenya.

“Maalmahan si gaabis ah ayuu ganacsigu ku socday, balse maanta wuxuu ku soo laabtay sidii hore, waxaana maalmahan ganacsiga aan xiri jirnay marka la gaaro 6:00 marqribnimo, halkii aan horay u gaari jirtay illaa 9:00 fiidnimo,” ayuu yiri C/qaadir Qorane oo ka mid ah ganacsatada Islii oo VOA-da la hadlayay.

Ganacsadahan ayaa sheegay inay jirto baqdin ay qabaan, balse xalaaddu ay maanta tahay mid caadi ah , isagoo sheegay inay aad uga xun yihiin dhibaatadii ka dhacday magaalada Nairobi iyo dadkii waxyeelladu ay kasoo gaartay.

Sidoo kale, ganacsade magaciisa kusoo koobay Maxamed ayaa isaguna u sheegay VOA-da in ganacsiga uu caadi kusoo laabtay, isagoo sheegay inay jirato cabsi ay qabaan, balse aysan u muuqan wax dhibaatooyin ah oo dhici kara.

Dhanka kale, waxaa iyagna si caadi ah ku soo laabtay socodka dadka oo aad gaabis u ahaa maalmihii lasoo dhaafay, waxaana xaafaddaas saakay lagu arkayay dhallinyaro iskoolley ah oo u socda goobahooda waxbarashada.

Shaafici Maxamed oo ka mid ah ardayda wax ka barta Kenya ayaa isaguna sheegay inay si caadi ah u aadayeen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay goobahooda waxbarashada, balse ay dadka Soomaaliyeed oo dhan qabaan cabsi ah in dhibaateeyin ka dhasha weerarkii ka dhacay Westgate loo geysto.

Madaxda dalka Kenya ayaa sheegay in weerarkii Westgate uu ahaa mid ay ka dambeeyeen kooxo argagaxiso ah, taasoo hoos u dhigtay caradii ay qabeen dadka Kenyanka ah oo markii ay qarxyo dhacaan beegsan jiray dadka Soomaalida ah ee ku nool xaafadda Islii.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/27/2013 1:15 PM EST
Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Nickolas Key ayaa la kulmay jaaliyadda soomaaliyeed ee London galabnimadii Axadda 22 sebtember. Kulankaas oo ay dad badani ka soo qeyb galeen ayaa waxaa ku wehlinayey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya UK Mudane Cabdullaahi

9/27/2013 12:38 PM EST
Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Kenya ayaa sheegtay jimcaha maanta ah in aysan ciidamadeeda kala baxayn Soomaaliya, iyagoo hadalkii kasoo yeeray hoggaamiyaha Al-sabaab ee ahaa inay weerarro kale ka geysanayaan Kenya ku tilmaamay mid aan wax macno ah ku fadhin.

9/27/2013 12:12 PM EST
Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayay la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah ayaa soo jeediyay in caalamku uu hal meel uga soo wada-jeesto dagaalka lagula jiro Al-shabaabta Soomaaliya.

9/27/2013 10:40 AM EST
Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada Anrka ee xarunta dalka Kenya, ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyagoo kawada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga u dhexeeya.

9/27/2013 9:21 AM EST
Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa maanta soo bandhigay wiil Soomaali-British ah oo ay sheegeen inay uga baqdin qabaan in uu ka mid ahaa kooxihii weeraray dhismaha ganacsiga Westgate Mall oo maalmo ay gacanta ku hayeen kooxo ka tirsan Al-shabaab.

9/27/2013 9:15 AM EST
Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Suuqa magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa maanta ka dhacay banaan-bax rabshad wata oo ka dhan ah ganacsatada kasoo jeedda gobollada Koonfurta ee Soomaaliya.

9/27/2013 8:44 AM EST
Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Afhayeenka howgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa ka warbixiyay weerar ay habeen hore ku qaadeen xoogagooda saldhig booliis oo ku yaalla degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

9/27/2013 8:28 AM EST
Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Xukuumadda dalka Turkiga ayaa sheegtay inay ka caawinayso dowladda Soomaaliya la-dagalaanka kooxaha argagixisada ah si looga hortago dhibaatooyinka khatarta ah ee ay ka geysanayaan Soomaaliya, kaddib kulan dhexmaray Ra'iisul wasaaraha Somaliya iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga.

9/27/2013 7:52 AM EST
Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Culummada Mulimiinta dalka Kenya ayaa ku cambaareeyay khudbadii Jimcaha ee maanta weerarkii dhowrka maalmood qaatay ee Al-shabaab ay ku qaadday dhismaha ganacsiga ee Westgate Mall.

9/27/2013 7:39 AM EST
Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Dalalka Burund iyo Uganda oo ay kaga sugan yihiin ciidammo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa billaabay in ammaanka guud ee dalalkooda ay adkeeyaan iyagoo baqdin ka qaba in Al-shabaab ay weerarro kaga yimaadaan, kaddib weerarkii ay ka geysteen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

9/27/2013 7:26 AM EST
Jimco, September 27, 2013 (HOL) —Dowladda hoose Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa billowday qorshe ay ku dhisayaan waddo laami ah oo isku xirta Isbitaalka guud ee magaalada.

9/27/2013 7:24 AM EST
Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Barakacyaal jooga degmada Ceelberde ee gobolka Bakool oo markii hore ka yimid degmada Xudur oo xarun u ah gobolkaas ayaa laga dayrinayaa xaaladooda cunno iyo iyo biyo.

9/27/2013 2:37 AM EST
Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay xalay shirka sannadlaha ah ee UN-ka ayaa ka hadlay arrimo badan oo horyaalla dowladda Somalia sida amniga iyo muhiimadda ay leedahay in la taagero hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.

9/27/2013 2:33 AM EST
Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaarada duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Mr:Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa soo bandhigay sidii loo dayactiray iyo kharashkii ku baxay madaaradda Somaliland, waxaanu naqdiyey siyaasiyiinta mucaaradka oo uu sheegay in wax aanay aqoon u lahayn dhaliilaya.