4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
Booliiska Kenya oo Maanta soo bandhigay Wiil Soomaali-British ah oo looga shaki qabo Weerarkii Dhismaha Westgate Mall

Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa maanta soo bandhigay wiil Soomaali-British ah oo ay sheegeen inay uga baqdin qabaan in uu ka mid ahaa kooxihii weeraray dhismaha ganacsiga Westgate Mall oo maalmo ay gacanta ku hayeen kooxo ka tirsan Al-shabaab.

Wiilkan oo lagu sheegay magaciisa C/risaaq Sheekh Axmed ayaa la qabtay sida ay booliisku sheegeen isagoo doonayay inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa sheegay in baaritaan lagu sameynayo wiilkan iyo dhowr qof oo kale oo ay booliisku gacanta ku hayaan, inkastoo aysan soo bandhigin dadka kale ee ay gacanta ku hayaan.

Sidoo kale, khuburada caalamiga ah ee baaraysa Westgate Mall ayaa waxay heleen maanta shan bambo oo kuwa gacanta ah oo aan weli qarxin, iyagoo sheegay inay baqdin ka qabaan inay waxyaalo kale oo qarxa ay ku jiraan gudaha xaruntaas.

Westgate Mall ayaa waxaa muddo afar maalmood ah gacanta ku hayay rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo la dagaalamayay ciidamada dalka Kenya tan iyo markii ay xaruntaas qabsadeen Sabtidii lasoo dhaafay.

Hay’adda xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo Jimco ah waxay uga digtay dowladda Kenya in ciidanku ay sameeyaan baaritaanno lagu beegsanayo dadka Soomaalida ah ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Hay'adda HRW ayaa warbixinteedan ku sheegtay inay jirto baqdin ay ka qabaan in dhibaatooyin loo geysto dadka Soomaaliyeed -sidii dhacday bishii November ee sannadkii hore- markaasoo la boobay ganacsi ay Soomaalidu ku leeyihiin magaaladaas, kaddib qaraxyo khasaare badan geystay oo ka dhacay magaalada Nairobi.

Dhanka kale, waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka socda aas weyn oo loo sameynayo qaar ka mid ah dadkii ku dhintay Westgate Mall, kuwaas oo ay ku jiraan dad ay ehelo yihiin madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.

Isla maanta ayaa la helay 10-qof oo ka mid ah dadkii la waayay markii uu dhacay weerarkii Westgate Mall, kuwaasoo qaarkood  iyagoo meyd ah laga dhex helay filinjeerro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya