4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
Xukuumadda Turkiga oo Shaacisay in Dowladda Somalia ay ka Taageerayso la Dagaallanka kooxaha Argagaxisada ah (SAWIRRO)


Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Xukuumadda  dalka Turkiga ayaa sheegtay inay ka caawinayso dowladda Soomaaliya la-dagalaanka kooxaha argagixisada ah si looga hortago dhibaatooyinka khatarta ah ee ay ka geysanayaan Soomaaliya, kaddib kulan dhexmaray Ra'iisul wasaaraha Somaliya iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Berki Bozdag ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen isaga iyo ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon oo booqasho ku jooga dalka Turkiga.

“Turkigu waxay diyaar u yihiin inay Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah, si looga hortago weerarrada ay ka geysanayaan gudaha iyo kuwa kale ee dariska la ah,” ayuu yiri Bozdag oo sheegay in dalkiisa ay arrintaasi ka go’an tahay.

Dalka Turkiga ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya haya’do fara badan, iyadoo Al-shabaab ay laba jeer oo hore weerarro la beegsatay shaqaale Turki ah iyo dhisme ay deggenaayeen dublumaasiyiin Turki ah oo ka howlgala safaaradda dalkaas uu ku leeyahay Soomaaliya.

“Waxaan qorsheynaynaa inaan Soomaaliya gacan ballaaran siinno, waxanna dhowaan ka furi doonnaa Muqdisho jaamacad ay wax ku bartaan ardayda Soomaaliyeed,” ayuu Bozdag hadalkiisa ku daray.



Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isna shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in xukuumadda Turkiga ay uga mahadcelinayaan taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shhacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda.

Sidoo kale, wuxuu cambaareeyay weerarkii is-miidaaminta ahaa ee kooxda Al-shabaab ay la beegsatay dhismaha safaaradda Turkiga ee Muqdisho 27-kii July, kaasoo uu ku dhintay sarkaal ka tirsan ilaalada safaaradda Turkiga ay ku leeyihiin Muqdisho ayna ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale oo Turkish ah.

“Turkigu waa dalka keliya ee na caawiya, waana midka keliya ee na garab taagan, waan ka mahadcelinaynaa taageeradaaas waana ku faraxsannahay inay Soomaaliya joogaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Saacid.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan kaasoo ay kaga hadleen xiriirka labada dal iyo iskaashiga ay leeyihin, isagoo uga mahad-celiyay taageerada uu dalkiisu siiyo Soomaaliya.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya