4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
Jid laami ah oo laga billaabayo Gudaha Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, kaasoo isku xiraya Suuqa iyo Isbitaalka

Jimco, September 27, 2013 (HOL) —Dowladda hoose ee Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa bilowday qorshe ay ku dhisayso waddo laami ah oo isku xiri doonta suuqa iyo Isbitaalka guud ee degmada.

Xoghayaha dawlada hoose, Cabdi Khayre Dirir ayaa sheegay inay haatan wadaan qorshihii u dambeeyay ee lagu billaabi lahaa wadadan ayna keeneen injineeradii ka shaqayn lahaa.

Sidoo kale, xoghayaha ayaa ku boorriyay in dadweynaha magaalada ay ka qaybqaataan dhismaha waddadan, iyagoo bixinaya dhaqaalaha ku baxaya dhismaha waddadaas iyo wixii kale ee looga baahdo.

Ku xigeenka duqa magaalada Laascaanood Cabdi Maahir Cashuur oo waqti lagu hawlanaa cabirka iyo qiimaynta waddadaas warbaahinta la hadlay, ayaa wuxuu sheegay in dowladda hoose ay waddooyin badan samaynayso haddii ay dhismaha jidkan ku guuleysato.

Waddadan oo dherekeedu uu ku dhow yahay 2km, ayaa ah mid baahi aad ah ay u qabeen bulshad magaalada, gaar ahaan dadka bukaan ka ah, iyadoo uu isbitaalku saaran yahay buur.

Dhismaha waddadan oo ah kii ugu ballaarnaa oo mas’uuliyiinta dawladda hoose ay isku dayaan ayaa haddii ay ku guulaystaan, wuxuu horseedi doonaa taageero ay shacabku siiyaan madaxda iyo shaqaalaha dowladda hoose.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool