4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 27, 2013
Xukuumada Somaliland oo soo bandhigtay sidii loo Dayactiray Madaarka iyo Xisbiga WADANI oo Dhaliilay Xukuumadda

Jimco, September 27, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaarada duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Mr:Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa soo bandhigay sidii loo dayactiray iyo kharashkii ku baxay madaaradda Somaliland, waxaanu naqdiyey siyaasiyiinta mucaaradka oo uu sheegay in wax aanay aqoon u lahayn dhaliilaya.

Wasaarada Gaadiidka Cirka ayaa munaasibad ay ku casuuntay xildhibaanadda Baarlamaanka, wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo  dadweynaha qaybahooda kala duwan ku soo bandhigay qaabkay madaaradda Somaliland u dayactireen, isla markaana iska leexisay musuqmaasuq ay ku eedeeyeen xisbiyada mucaaradka ah.

“Munaasibaddan waxaannu ugu tallo-galnay in bulshada xog dheeraad ah ka siino sidii uu u qabsoomay mashruucii casriyaynta Madaarka caasimadda ee Cigaal Intertional Airport, oo beryahan dambe iyadoo aan xagayaga xog laga helin dacaayado faro badan laga fidiyay”ayuu yidhi wasiir Xaashi oo ka hadlayey dayactirka lagu sameeyey madaarka Hargeysa.

“Mashruucan waxa loo maamulay sidii ugu haboonayd, dawladdii ina siisay ayaa gacanta ku haysay, malaha dadka qaarkii ayaa moodaya in annaga naloo dhiibay, waar lacag naloo dhiibay ma jirto, Wax jeeg lagu qaatay iyo wax account-yo lagu shubtay midna ma jiro. Buug ayay dawladda Kuwayt naga saxeexday la xidhiidha hanaanka lacagtan 10-ka Milyan ah loo maamulayay,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi, waxaanu raaciyay. “Madaaradda dhismahooda waxa qiimaysa ICAO oo laba jeer soo kormeertay, waxa kale oo xaq u leh inay soo qiimayso dawladdii lacagta ina siisay. Waxa kale oo qiimayn kara qof shakhsi ah oo reer Somaliland ah oo aqoon u leh, laakiin ragga mukhaayadaha fadhiyaa ma qiimayn karo.”

Wakiilka Kuwait Fund iyo Ha’adda NARCO Dr.Nabeel Abdulraheem ayaa  isna ka hadlay dayactirka lagu sameeeyey madaarka, waxaanu sheegay In casriyaynta Madaarka Hargeysa u hirgalay sidii loogu tallo-galay.

Haseyeeshee waxa hadalkaasi wasiirka ka soo yeedhay ka hadlay xisbiga mucaaradka ah ee wadani, iyagoo tilmaamay inuu wasiirku ku fashilmay dib u dhiskii madaarka maadaama oo diyaaradihii waaweynaa ku soo degi karin madaarka.

Xisbiga mucaaridka ah ee WADANI ayaa xukuumadda ku eedeeyay in ay ku guul daraysatay  in ay madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa uu noqdo Garoon ay ku soo dagi karaan diyaaradaha waaweyn.

Masuuliyiintan u hadlayey xisbiga WADANI ayaa sheegay in aan la qarin karin musuqmasuqa lagu sameeyey dhisitaanka madaarka Hargeysa, isla markaaana lacagta ay wasaaradu sheegtay inay gashay madaarka aanay ka muuqan.

Axmed Xuseen Fag-fagaas oo ahaan jiray duuliyey sare kana mid ah masuuliyiinta Xisbiga WADANI, ayaa tilmaamay in aan waxba lagu kordhin madaarka, isla markaana uu yahay sidii uu ahaan jiray waligii.

Cabdirashiid Maxamedi Cali oo isna ka mid ah masuuliyiinta Xisbigaasi ayaa sheegay  in musuqmaasuqii ka dhacay madaarka aan la qarin karin, waxaanu wasaaradda ku eedeeyey inay ku fashilantay madaarkaasi Hargeysa inay ka dhigto mid caalami ah.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda ayaa hawadda isku marinaya dhaliilo qoloba qoladda kaleba naqdiyeyso.

Dhinaca kale, waxa shalay madaarka Hargeysa waxyeelo ka soo gaadhay diyaaradda Daallo oo mid ka mid ah baalasheedda la gashay gidaarka Terminalka garoonka Hargeysa.

Haseyeeshee baalasha ay ku dhufatay gidaarka wax khasaare ah kama soo gaadhin rakaabkii saarnaa, wasaaradda iyo shirkadda Daalllo illaa hadda kama hadal shilkaasi dhacay.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland