4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
Golaha wasiirada Somalia oo kulan ay Maanta yeesheen kaga hadlay Arrimo uu ka mid yahay Amniga Guud ee Dalka (SAWIRRO)


Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir guddoominayay ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka kheyraadka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana kulanka looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin amniga dalka, gaar ahaana howlgal toddobaadkan looga sifeeyay Al-shabaab qeybo ka mid ah gobolka Shabeellada dhexe.

Shirka golaha ayaa warbixinno looga dhageystay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka iyo wasaaradda Gaashaandhigga, waxayna golaha u sharaxeen horumarada dhanka amniga iyo howlgallada looga sifeynayo kooxda Al-shabaab, taasoo howlgalkii ugu dambeeyay looga saaray deegaanka biyo-cadde ee gobolka Shabeellada dhexe.

Markii uu soo idlaaday kulanka ayaa waxaa saxaafadda la hadlay wasiir ku-xigeenka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka, C/shakuur Cali Mire, wuxuuna xusay in kulankan diiradda lagu saaray sidii loo sugi lahaa ammaanka guud ee dalka, gaar ahaana caasimadda.

Wasiirka ayaa xusay in goluhu ay soo dhaweeyeen, ammaana u jeediyeen ciidamada xooga kuwaasoo howlgalkoodii ugu dambeeyay uga sifeeyay haraadiga Al-shabaab deegaanka Biyo-cadde, wuxuuna xusay in qorshuhu yahay in muddo kooban looga wada saaro deegaanada ay weli ku harsan yihiin Al-shabaab, si looga hortago dhagarta ay soo abaabulaan.

Wasiirka ayaa xusay in golaha wasiirradu ay u mahadceliyeen shacabka gobolka Banaadir, sida ay warbixinnada caddowga ugu soo gudbinayaan hay’addaha amniga, wuxuuna baaq u jeediyay milkiilayaasha hoteelada iyo guryaha magaalada Muqdisho, isagoo ka dalbaday inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adda nabad-sugida Qaranka, si loo baajiyo falal lidi ku ah amniga shacabka oo ay geysan karaan nabadiidku.

Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa ku ammaanay kaalinta warbaahinta ay kaga jiraan soo tabinta dhacdooyinka dalka iyo caalamkaba, balse waxay dhaliilo u soo jeediyeen milkiilayaasha iyo tifatirayaasha idaacaddaha dalka ka jira qaarkood, kuwaasoo aan xil iska saarin kobcinta amniga iyo sidii lagu horumarin lahaa, waxayna ugu baaqeen warbaahinta inay xil gaar ah iska saarto sidii loo sugi lahaa amniga shacabka.

Dhanka kale, golaha wasiirrada ayaa ku ammaanay ciidamada xooga dalka Kenya, howlgalkii Westgate, waxayna mar kale tacsi u direen qoysaskii ay dadkoodu u dhinteen weerarkaas iyo weliba xukuumadda dalka Kenya.

“Beesha caalamka waxaan ugu baaqaynaa in dawlada Soomaaliya ay garab ku siiyaan sidii ay uga hortagi lahayd ugana sifeyn lahayd Al-shabaab guud ahaan dalka. Argagaxisadu waxay caadeystay xasuuqa iyo argagixinta dadka shacabka ah, waxaana looga adkaan karaa argagixisada in la xoojiyo amniga guud ee dalka,” ayuu ugu dambeyn yiri wasiir ku-xigeenka warfaafinta,  C/shakuur Cali Mire.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya