4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
Dabley hubeysan oo saraakiil Kenyan ah ku dilay saldhig booliis oo ku yaalla Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-bari Kenya

Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba sarkaal oo booliiska Kenya ka tirsan ayaa ku dhintay weerar ay dabley hubeysani ku qaadday saldhig booliis oo ku yaalla degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Sidoo kale waxaa weerarkaas ku dhaawacmay saddex sarkaal oo booliis ah, waxaa kaloo lagu gubey 11 gaari oo saldhiggaas yaallay, iyadoo weerarkani uu noqonayo kii labaad ee ilaa iyo xalay dalka Kenya ka dhaca.

Kooxaha hubeysan ayaa waxay weerarkooda u adeegsadeen qoryaha fudud iyo qoriga baasuukaha loo yaqaan, wuxuuna dhacay aroornimadii hore ee saaka oo Khamiis ah.

“Dableydu waxay weerarkooda ku geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ka hor intii aysan baxsan, sidoo kale waxay burburiyeen gaadiid saldhiga yaallay, waxanna ku rajo weynnahay inaan soo qabanno kooxihii weerarkaas ka dambeysey,” ayuu yiri taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari Kenya, Charlton Mureithi.

Saraakiishii booliiska ahayd ee ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay magaalada Mandheera ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka si loogu soo daweeyo, iyadoo weerarkan uu ahaa kii labaad oo ka dhaca dalka Kenya.

Kooxo hubeysan ayaa dhanka kale weeraray degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, halkaasoo uu ku dhintay hal qof, afar qof oo kalena ay dhaawacyo kasoo gaareeen.

Sarkaal u hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in mid ka mid ah kooxihii ku qaaday weerarka degmada Wajeer la qabtay isagoo dhaawac ah uuna hadda ku jiro saldhigga booliiska lana baarayo.

Taliyaha booliiska Wajeer, Isaiah Odhiambo ayaa sheegay in amniga guud ee magaalada Mandheera si aad ah loo adkeeyay, ayna socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxihii weerarka ka dambeeyay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya