4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
Taliyaha Ciidamada dalka Uganda oo Sheegay in loo baahan yahay in Tirada Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM la kordhiyo


Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Taliyaha ciidamada dalka Uganda, Jen. Katumba Wamala ayaa sheegay in ciidamada AMISOM tiradooda lagu kordhinayo kumannaan askari si ay u xoojiyaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Jen. Wamala wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM oo tiro ahaan gaaraya 17,731 askari laga dhigayo 20,000 ilaa 25,000 oo askari, iyadoo sidoo kale lagu caawinayo diyaaradaha qummaatiga u kaca si ay Al-shabaab uga saaraan deegaannada ay weli ka harsan tahay.

“Ururka Midowga Afrika waa inuu arrintaan si dhaqso badan uga hadlo, si loo kordhiyo tirada ciidamada AMISOM oo dagaal kula jira Al-shabaab,” ayuu yiri Katumba oo wariyeyaasha kula hadlayay wasaaradda gaashaandhigga dalka Uganda.

Taliyuhu wuxuu sheegay in weerarkii magaalada Nairobi kaddib ay u diyaar-garoobeen ciidamada sirdoonka Uganda sidii ay uga jawaabi lahaayeen wax walba oo weerarro ah oo ay kooxaha argagaxisada ahi damcaan inay dalkooda ka geystaan.

Dalalka Uganda iyo Burundi ayaa waxay ahaayeen dalalkii ugu horreeyay oo ciidammo nabad ilaalin ah u dira Soomaaliya, kuwaasoo loo bixiyay magaca AMISOM, tiradooduna ay haatan gaarayso 7,000 oo askari.

Hadalka taliyaha ciidamada Uganda ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan uu ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dalbaday in diyaarado kuwa qummaatiga u kaca ah lagu taageero ciidamada AMISOM si ay Al-shabaab ula dagaalamaan.

Ciidamada AMISOM ayaa waxay labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal adag kula jireen xoogagga Al-shabaab, iyagoo ka saaray deegaanno badan oo ay ka mid yihiin Kismaayo, Jowhar, Marko iyo kuwo kale oo Muqdisho ka fog.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya