4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ula Wareegi doonaan Deegaannada Gobolka oo dhan

Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo maalin ka hor dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, isaga oo ka mid ahaa wafuuddii ka qeyb gashay shirkii Brussels, ayaa sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay ula wareegi doonaan deegaannada gacanta ugu jira xoogagga Al-shabaab.

Guddoomiyaha oo saacadihii ugu danbeeyay kulammo kala duwan la lahaa saraakiisha maamulka gobolka iyo odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in awoodda maamulka lagu baahin doono guud ahaan qeybaha uu gobolku ka kooban yahay.

"Suurtagal ma'aha in wixii xilligan ka dambeeya Al-shabaab ku sugnaadaan gobolka, maamulka waxaa u qorsheysan in sida ugu dhaqsiyaha badan looga saaro Al-shabaab degmooyinka iyo deegaannada kale ee wali gacantooda ku jira,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo.

Dhinaca kale, waxa uu guddoomiyuhu ka dalbaday qaybaha kala duwan ee bulshada iyo waxgaradka in ay ku gacan siiyaan maamulka iyo ciidamada howlgal -sida uu sheegay- laga fulin doono maalmaha soo socda guud ahaan gobolka, si awoodda maamulka loogu baahiyo deegaannada uu gobolku ka kooban yahay.

Marka laga soo tago magaalada Beledweyne iyo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, xoogagga Al-shabaab ayaa maamula degmooyinka Buula-burte, Jalalaqsi iyo degmada Maxaas iyo deegaannada hoostaga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya