4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2013
Maamulka Puntland oo dib u Fasaxay Idaacadaha Ergo, Bar-kulan iyo Hirad oo horay deegaannada Puntland loogu Mamnuucay
Khamiis, September 26, 2013 (HOL) — Wasaaradda war-faafinta Puntland ayaa xayiraad ay horay ugu soo rogtey ka qaadday saddex idaacadood oo aan xarumo ku lahayn Puntland, balse ay baahin jireen qaar kamid ah FM-yada ka shaqeeya deegaannada Puntland. Saddexda idaacadood ee la fasaxay ayaa kala ah Ergo, Bar-kulan iyo Hirad.

Wareegto maanta oo Khamiis ah kasoo baxday xafiiska wasiirka war-faafinta Puntland Axmed Sheekh Jaamac, ayaa lagu sheegay in saddexdaas idaacadood loo ogolaaday in hadda wixii ka dambeeya ay shaqadooda sii wadan karaan, kaddib markii laga mamnuucay Puntland bishii Maarso ee lasoo dhaafay.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Puntland ay ogoshahay in idaacadaha ka jira Puntland ay heshiisyo dhanka baahinta la xiriira la geli karaan idaacadaha kale ee ku yaalla meelaha Puntland ka baxsan. Waxase shardi laga dhigay in marka hore ay dowladda kusoo wargeliyaan.

Idaacadaha ay xarumahoodu ka baxsan yihiin gudaha Puntland ayaa iyagana sida wareegtada ku xusan lagu wargeliyey in haddii ay doonayaan inay heshiis wada-shaqayneed la galaan idaacad ku taal Puntland, ay marka hore tahay in ay kusoo wargeliyaan dowladda, si loo diiwaan geliyo.

Bishii Maarso ee lasoo dhaafay ayaa amar kasoo baxay wasaaradda war-faafinta Puntland -oo xilligaas uu joogey wasiirkii hore Maxamuud Caydiid Dirir- waxaa deegaannada Puntland looga mamnuucay idaacadaha Bar-kulan, Ergo iyo Hirad oo ay xarumahoodu ku yaallaan Nairobi iyo Hargeysa, balse ay baahin jireen idaacadaha Daljir, One Nation iyo Codka Nabadda.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland