4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2013
Wafdi uu Hoggaaminyo Wasiirka War-faafinta Soomaaliya oo Shirka 38-aad ee ICAO kaga qaybgalay Magaalada Montreal (SAWIRRO)


Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka warfaafinta, boostada, is-gaarsiinta iyo gaadiidka ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/laahi Ciil-mooge Xirsi, ayaa ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada.

Wasiirka warfaafinta iyo wafdigiisa, ayaa ka qayb gelaya shirka 38aad ee ururka caalamiga ah ee qaabilsan duulimaadyada rayidka ah, kaas oo magaciisa loosoo gaabiyo ICAO.

Ururka ICAO oo ay xubno ka yihiin 191 dal  oo Soomaaliya ay qab ka tahay, wuxuu marka la gaaro bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2014, ku wareejin doonaa dowladda Soomaaliya maamulka hawada Soomaaliya.

Arrintan ayaa daba socota heshiis ay horay dowladda federaalku ururkan ula gashay bishi May ee lasoo dhaafay, kaas oo dhigayey in maamulka hawada Soomaaliya dib logu soo celiyo dowladda federaalka, ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Montreal  si gaar ah kulan ugu yeeshay wasiirradda gaadiidka cirka ee dalalka Afrikaanka ah ee shirkaas ka qayb galay, waxayna isla soo qaadeen go'aamo arrimaha duulimaadka ku saabsan oo bishii July ee sanadkan kasoo baxay, shir ka dhacay magaalada Abuja ee dalka Nayjeeriya.

Wasiirrada gaadiidka cirka ee shirkaas ka qayb galay, ayaa isku raacay in ay muhiim tahay in la tayeeyo, horumar ballaaranna lagu sameeyo gaadiidka cirka, si loola jaanqaado tiknoolajiyadda cusub.

Wasiirka warfaafinta, boostada, is-gaarsiinta iyo gaadiidka ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane C/laahi Ciil-mooge Xirsi, ayaa si gaar ah ula kulmay wufuuddii ka socotey dalalka Kenya iyo Itoobiya, kuwaasoo ay isla soo qaadeen arrimo badan oo khuseeya danaha ay saddexda dal wadaagaan.

Waa markii ugu horreysey muddo 30 sano ah, oo wefdi heer wasiir ah oo ka socda Soomaaliya ay ka qayb galaan shirka guud ee ururka caalamiga ah ee qaabilsan duulimaadyada rayidka ah ee ICAO.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected] 
Boosaaso, Puntland