4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2013
Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo guddi heer wasiir ah u Magacawday Qaban-qaabada Shirka dib-u-heshiisiinta ee Jubba


Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa guddi heer wasiir ah u magacowday qabanqaabada shirka dib-u-heshiisiinta Jubba, kaasoo lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

Warsaxafadeed kasoo baxay xukuumadda ayaa lagu sheegay in heshiiskii 27-kii August 2013 ku dhex maray Addis Ababa dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba uu ahaa tallaabo horumar leh oo loo qaaday dhinaca federaaleynta, xasilinta dalka iyo kalsooni-dhisidda Shacabka.

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ahna wasiirka khayraadka dalka, Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa magacaabay guddigan heerka wasiir ah oo qaban-qaabin doona wejiga koobaad ee shirka dib-u-heshiisiinta oo lagu qaban doono Muqdisho 5-ta bisha Oktoobar 2013, iyadoo qaybta labaad oo ah mid nabad-dhisid ahna lagu qaban doono magaalada Kismaayo.

Magacyada Xubnaha guddiga ayaa waxay kala yihiin:

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo  Amniga Qaranka, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo guddoomiyaha guddiga ah
  2. Wasiirka Warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi.
  3. Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi
  4. Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir
  5. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta,  Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka, Cabdishakuur Cali Mire
  6. Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga, Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi
  7. Danjiraha Soomaaliya u Fadhiya dalka Itoobiya, Axmad Cabdisalaam Xaaji Aadan
  8. La-taliyaha Ra'iisal Wasaaraha Dhinaca Siyaasadda, Aadan Ibraahim Aw-Xirsi oo ah xoghayaha guud ee guddiga

Warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay u mahad-celineyso dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay fududeynta heshiiskii Addis Ababa ee 27, August 2013, gaar ahaan guddoonka golaha wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD.

Sidoo kale, Xukuumaddu waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay af iyo addinba ku taageeraan dhaqan-galka heshiiskan taariikhiga ah. Iyadoo lagu yiri qoraalka in xubnaha guddiga la farayo inay si hawl-karnimo leh uga soo dhalaalaan hawshan muhiimadda weyn qaranka u leh ee fulinteeda loo igmaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya