4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2013
Golaha Xuquuqul Insaanka QM oo soo Dhaweeyay Siyaasadda Xukuumadda Somalia ee dhowrista Xuquuqda Aadanaha (SAWIRRO)


Arbaco, September 25, 2013 (HOL) — Kal-fadhigii 24-aad ee golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay oo maanta ka dhacay magaalada Geneve - Switzerland kaasoo diiradda lagu saaray xuquuqda aadanaha Soomaaliya ayaa lagu ammaanay dadaalka xukuumadda Soomaaliya ugu jirto taabbo-galinta dhawrista iyo horumarinta xuquuqda aadanaha, iyadoo 22-kii sano ee lasoo dhaafay ay dalka ka dhacayeen xad-gudubyo liddi ku ah xuquuqda Aadanaha.

Kulanka oo uu ka qayb-galay ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaa sidoo kale kulanka ku sugnaa wasiirka cadaaladda Cabdulaahi Abyan Nuur, wasiiradda horumarinta adeegga bulshada, Maryan Qaasim Axmed, safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobay ee Geneve, danjire Yuusuf Bari-bari iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, waxaa kulankan kasoo qaybgalay wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholes Key, ergeyga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Al-Nadiif, khabiirka madaxa-bannaan ee arrimaha xaquuqul insaanka Soomaaliya, Dr. Shamsul Bari, xubno ka socday bulshada rayidka, suxufiyiin iyo hay’adaha xuquuqul insaanka qaarkood.

Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen xubnaha wakiillada ka ah dowladaha ku jira golahan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay maalinta Soomaaliya ay u asteystay maalinta xuquul insaanka oo ku beegan 27-ka Ogoosto taasoo uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Shirdoon kaddib kulan lagu soo bandhigayay khariidadda xuquuqda aadanaha iyo hirgalinta oo Muqdisho lagu qabtay.

Waxaa sidoo kale goluhu ay soo dhaweeyeen warbixinta uu u soo gudbiyay khabiirka madaxa-bannaan ee arrimaha xaquuqul insaanka Soomaaliya, Dr. Shamsul Bari, taasoo lagu amaanay tallaabooyinka ay xukuumadu u qaaday dhanka ilaalinta xuquuqda aaadanaha muddada sanadka ah.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyay kulanka ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay xukuumaddiisu uga go’an tahay hirgalinta xuquuqul Insaanka Soomaaliya, dib u soo celinta amniga iyo cadaaladda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Mudane Saacid ayaa ugu horreyn wuxuu golaha u soo gudbiyay sida uu uga xun yahay weerarkii ay kooxaha argagixisadu ku qaadeen dhismaha ganacsi Westgate Mall ee magaaladda Nairobi, isagoo xusay inuu xiriir la sameeyay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. Wuxuuna sheegay in argagixisadu aysan lahayn xuduud si wadajir ahna la isaga kaashan doono ka sidii looga guulaysan lahaa.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay u istaagi doonto hir-galinta dhammaan dadaallada lagu hormarinayo dhawrista xuquuqda aadanaha sida soo celinta shuruuc iyo kala dambayn, tayaynta hay’adaha dawladda, dhisidda kaabayaasha dhaqaalaha, xoojinta adeegyadda bulshada oo waxbarashada iyo caafimaadku ay ka mid yihiin iyo abuurista shaqooyin.

Waxaa kaloo uu sheegay in markii ugu horreysay ay xukuumaddu ku guulaysatay in si cadaalad ah ay Soomaalidu u qayb-sadaan hanaanka siyaasadeed ee dalka iyo in haweenku ay ka dhex-muuqdaan golaha wasiirrada.

Goluhu wuxuu soo dhaweeyeen markii uu ra’isul Wasaarahu ku sheegay khudbadiisa inay u istaagi doonaan la dagaalanka kufsiga iyo xad-gudub-yadda lagula kaco dumar, ka hortagga dilalka loo gaysto wariyayaasha, ilaalinta xuquuqda barakacayaasha iyo dib u dejintooda iyo ka hortagga askaraynta caruurta.

Ugu dambeyn, ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhanka kale waxaa casho sharaf u sameeyay safiirka Mareykanka ee Geneve kaddib markii uu kulanku dhammaaday, sidoo kale wuxuu ra’iisul wasaaruhu kulammo gaar-gaar ah la qaatay hay’ada MSF, safiirka Britain, dawladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee daneeya Soomaaliya isagoo kala hadlay dib u dhiska Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya