4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 25, 2013
Biyo la'aan ka jirta degmada Qandala ee gobolka Bari iyo qiimaha biyaha oo aad kor ugu kacay
Arbaco, September 25, 2013 (HOL)- Biyo la'aan xooggan ayaa ka jirta degmada Qandala ee gobolka Bari, kaddib markii aysan halkaas muddo dhowr sano wax roobab ahi ka di'in.

Duqa degmada Qandala Jaamac Maxamed Khuurshe, oo maanta la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in xaaladda biyo la'aantu ay tahay mid halis ah.

Jamaac Khuurshe ayaa dhanka kale sheegay in uu biyo yareeyey ceelkii ugu weynaa ee ay dadka degama Qandala iyo deegaannada ku xeerani ka cabi jireen.

Qiimaha biyaha ayuu sidoo kale sheegay in si aad ah uu kor ugu kacay, iyadoo xilligan qiimaha halka fuusto ee biyaha ahi uu marayo 200,000 (labo boqol oo kun) oo Shilin Soomaali ah.

Mar wax laga weydiiyey in arrintan ay u gudbiyeen dowladda Puntland iyo hay'adaha samafalka, wuxuu sheegay in dhowr mar oo hore ay la xiriireen, haseyeeshee ilaa iyo hadda aysan jirin cid usoo jawaabtey.

"Runtii arrintaas annagu ka maamul ahaan wax aan ka qaban karno ma jiraan...waan u sheegnay dowladda iyo hay'adaha in ay arrintaas wax nagala qabtaan, welina cid wax nala qabatay ma jirto " duqa degmada Qandala ayaa yiri.

Deegaano badan oo ka tirsan gobolka Bari, kuwaas oo degmada Qandala iyo tuulooyinka hoostaga ay kamid yihiin, waxaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyey ka jirey abaaro daba dheeraaday, saameynna ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland