Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay caawa in lasoo soo afjaray howlgalkii ka socday rugta ganacsiga Westgate Mall, kaddib afar maalmood oo ay gacanta ku hayeen koox hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.Kenyatta oo ka hadlay telefishinka dalka Kenya ayaa sheegay in shan ka mid ah kooxdii weerarka qaadday lagu dilay howlgalka, 11 kale oo laga shakisan yahayna ay gacanta ku dhigeen." Howlgalkii ka socday Westgate Mall waa lasoo afjaray, waana la jabiyay kooxdii weerarka qaaday. Weerarkaas waxaa ku dhintay 61-qof oo lix ka mid ahi ay yihiin ciidamadeenna"Uhuru Kenyatta ayaa yiri.
Madaxweynaha Kenya wuxuu sidoo kale sheegay in saddex maalmood oo baroor-diiq Qaran ah ay billaabanayso Arbacada berri ah, isagoo xusay in saddexaas maalmood loo barooran doono dadkii weerarkaas naftooda ku waayey.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online[email protected] Muqdisho, Soomaaliya