4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Al-shabaab oo mar kale ku Hanjabtay in ay Weerarayso Kenya Haddii aysan Ciidamadeeda si dhaqso uga saarin Soomaaliya


Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Kooxda Al-shabaab ee Somalia ayaa ku hanjabtay mar kale inay weerarayso dalka Kenya haddii ciidamadooda aysan ugala bixin Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay u diyaarsan yihiin inay mar kale weeraraan dalka Kenya, uuna weerarka ay ku qaadeen xarunta Westgate Mall uu ahaa mid tijaabo ahaa oo ay ku guuleysteen.

“Haddii aysan Kenya ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya si dhaqso ah ugala bixin waxaan ku qaadi doonnaa weeraro kale oo ka xanuun badan midka aan hadda ku qaadnay… weeraradaas waxay noqon doonaan kuwo dalkooda u horseedi doona taariikh mugdi ah,” ayuu ku sheegay Sheekh Cali Dheere war uu saxaafadda siiyay.

Ciidamada Kenya ayaa waxay tan iyo sannadkii 2011 kula dagaalamayeen kooxda Al-shabaab gobollada Koonfurta Soomaaliya sida gobolka Jubbada Hoose, iyagoo ugu dambeynna ku biiray howlgalka milateri ee AMSIOM oo hoostaga ururka Midowga Afrika.

“Weerarka Westgate waa mid aan Kenya ku taabsiinayay xanuunkii ay horay ciidamadeedu u taabsiiyeen shacabka Soomaaliyeed. Tani waa digniin Kenya iyo dalalka taageera ku socota,” ayuu Sheekh Cali Dheere hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, afhayeenka Al-shabaab wuxuu ku goodiyay inay ku jiraan diyaar ku aaddan sidii ay weerarro noocan oo kale ah ugu qaadi lahaayeen dalalka kale ee ay ka joogaan ciidamada Soomaaliya, inkastoo aysna jirin dal uu si gaar ah u magacaabay.

Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka badan 17,700 oo askari oo ka socda shan dal oo Afrikaan ah kuwaasoo ay kala ah Jabuuti, Burundi, Uganda, Sierra Leone iyo Kenya, waxaa sidoo kale ay ciidammo kumanaan askari ah kaga sugan yihiin dalka Itoobiya oo aan ka mid ahayn howgalka AMISOM.

Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa sabtidii lasoo dhaafay gudaha u galay xarunta ganacsiga Westgate ee dalka Kenya, halkaasoo maalintii afaraad kula dagaalamayaan ciidamada Kenya iyo ciidammo ka socda dalka Israa’iil oo caawinaya.

Inta la ogyahay 69-qof ayaa ku dhintay weerarkaas iyadoo sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 175 ruux oo kale, waxaana ciidamada Kenya ay dadaal ugu jiraan sidii ay u soo afjari lahaayeen haysashada xaruntaas.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa horay u sheegay in ciidamooda ku sugan Soomaaliya ay sii joogi doonaan ayna ka qaadanayaan qorshaha la doonayo in lagu nabadeeyo Soomaaliya, loogana hortagayo khatartaha ka imaanaya argagaxisada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya