4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo si adag ugu dhaliilay Golaha wakiillada Ansixinta Xeerka Cashuurta Xoolaha iyo Gaadiidka

Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland ee UCID iyo WADANI ayaa si adag u dhaliilay xildhibaanadda golaha Wakiiladda ee ansixiyey xeerkaasi iyo xukuumadda dabadda ka riixaysayba.

Xisbiyada mucaaradka ayaa xildhibaanadda golaha Wakiiladda ku tilmaamay qaar khiyaameeyey shacabkii soo doortay,isla markaana ka door biday dantii guud dano u gaar ah.

Masuuliyiinta xisbiyadda mucaaradka ah oo maanta shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa aad u naqdiyey ansixinta xeerkaasi Wadooyinka ee cashuurta lagu kordhinayo Xoolaha iyo Gaadiidka.

“Waxaanu Shacabiga Somaliland ka tacsiyadeynaynaa in mar kale mashruucii balaadhnaa ee lacag urursiga, mid kale oo ka mid ah ay golaha wakiiladu Ansixiyeen, iyaga oo ay tahay miskiinba misko la fuule leh, dadka Hantida leh ee mashaariicda waaweyn wata way iska farsamayn karaan lacag urursatada, laakiin dadka masaakiinta ee aan karayn  ayaa waxa lagu sanduleynayaa waxanay qaadi karayn.”Ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID Cali Gurey oo ka soo horjeeday xeerkaasi in la ansixiyo.

“Waxaanu ka codsanay in aanu mudaharaad ka samayno xeerkan, lakiin way diideen, waxanse leeyahay waa laysku badheedhayaa, anigu marka aan mucaarid ahay mudaharadku waa sharci, marka aan anigu kursiga ku fadhiyo mudaharaadku waa Mabnuuc ayuu marayaa Siillaanyo”.ayuu hadalkiisa Raaciyey Cali Gurey.

Inj. Cabdirashiid Maxamed Cali oo ka mid ah Saraakiisha sarsare ee Xisbiga WADANI oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa Yidhi“Halkan waxa aynu iskugu Nimid tacsi oo aynu shacabka reer Somaliland ka tacsiyadeynaynaa xeerkan baadhashada ah, maanta waxa yaabka lihi waxa weeyi, waa markii ugu horeysay taariikhda Somaliland 70 xildhibaan intay golaha soo fadhiistan Konton iyo Sideed ay u codeeyan Xeer Xaaran ah, waxaanu idiinsheegaynaa in xildhibaanadii aad doorateen ee dad xilka u dhiibateen ay  dantiini ka baxeen oo ay noqdeen dad ku codeeya lacagta Berbera laga soo qaado loo qaybiyo waan nasiib daarro shacabka ku dhacday.”

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyada mucaaradka ayaa si adag uga soo horjeestay xeerkan, waxaanay ku baaqeen haddii uu madaxweynuhu saxeexo oo uu dhaqangaliyo inay mudaharaad dalka oo dhan ka dhigi doonaan,isla markaana aanay ogolaanayn in xeerkaasi la dhaqan galiyo

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland