4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Qaar ka mid ah Isimmada ku Dhaqan Jubbooyinka oo Bayaan ka soo saaray Kulan ay ku yeesheen Magaalad Kismaayo (SAWIRRO)


Talaado, September 24, 2013(HOL) :- Shir ay isugu yimaadeen Isimada iyo waxgaradka qaar kamid ah beelaha dega Jubooyinka islamarkaana socday mudo sedex maalmood ah ayay kasoo saareen bayaan ka koobnaa qodobbo dhowr ah.

Shirkan oo ka dhacay xarunta Lamunba Peace Center ee magaalada Kismaayo ayay dood dheer kadib odoyaasha kasoo saareen qodobo ay ka mid ahaayeen:

  • In ay si buuxda usoo dhaweynayaan heshiiskii Adisababa ku dhexmaray maamulka Jubba iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
  • In ay soo dhaweynayaan heshiiskii magaalada Muqdisho iyo weliba shirka la filayo in lagu qabto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
  • In qofkii si kas ah u dila qof kale loo dilo iyadoo la waafajinayo shareecada Islaamka.

Shirkan ay isugu yimaadeen waxgaradkan ayaa ka danbeeyay kadib falal ammaan darro oo maalmihii u danbeeyay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya