4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Hay'adda Save The Childaren oo kaarar ay lacago ku qaadan doonaan siisay Qaar ka mid ah Naafada ku nool Beledweyne (SAWIRRO)


Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Hay'adda  Save The Childaren ayaa in ka badan 300 oo naafo ah oo ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan u qeybisay kaarar mudo sadex bilood ay ku qaadan doonaan lacag dhan bishiiba $85 doolar.

Guddoomiyaha naafada kaalmadan ka faa'ideysanaya Max'ed Axmed Sheekeeye oo la hadlay HOL, ayaa uga mahad celiyay hay'adda kaalmada ay gaarsiiyeen dadka naafadaha oo sida uu sheegay ah marka la eego dadka bulshada ugu sii nugul.

“Waad arkeysaan dadkan ma'aha dad shaqeysan kara, waa dad naafo ah, kaalmadan waa mid wax weyn ka tiri karta nolashooda, ma dhaheyn baahidooda oo dhan waa ay dabooli doontaa, laakiin ugu yaraan wax weyn ayaa ka tiri doontaa dhibaatadii nolaleed ee markii hore heystay,'' ayuu yiri  guddoomiyaha naafadu.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo ay hay'adda Save The Childaren sidan oo kale kaalmo u soo gaarsiiyo dadka naafada ah, isaga oo sheegay in horay ilaa 100 ruux oo ka tirsan dadka naafada ah ay u siisay raashin.

Dadka ka faa'ideystay kaalmadan oo ka kooban qeybaha bulshada, islamarkaana qaarkood sheegay in ay naafoobeen iyaga oo aad u da'yar ayaa si weyn uga mahad celiyay hay'adda gargaarka ay u fidisay ee Save The Children, madaama aysan aheyn dad nolol-maalmeedkooda la soo bixi kara.

Naafada ayaa marka la eego ka mid ah dadka ugu nugul qeybaha bulshadu ka kooban tahay, waxaana muuqata in gargaarka ay gaarsiisay xilligan hay'adda Save The Childaren muddada sadexda bilood ah uu wax weyn ka tiri doono baahidooda nololeed.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya