4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Maanta la Wareegay Deegaanka Biyo-cadde oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe

Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta dagaal muddo kooban socday kula wareegay deegaanka Biyo-cadde ee gobolka Shabeellada dhexe.

Kol. Maxamed Maxamuud Xuseen (Garabeey) oo hoggaaminaya ciidamada la wareegay deegaakna Biyo-cadde, ayaa sheegay inay la wareegeen maanta oo Talaado ah deegankaas oo 40-km koonfur kaga beegan degmada Mahadaay oo ay maalmo ka hor la wareegeen ciidmada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ay gacanta ka helaan ee AMISOM.

“Dagaal kooban kaddib waxaa ciidamada dowladda u suurogashay inay kala wareegaan degmada Mahadaay xoogaggii Al shabaab, ayna saddex qofood kaga dileen, mana jirto khasaare dhankeenna naga soo gaaray,” ayuu yiri sarkaalka oo sheegay inuu ku sugan yahay deegaankaas.

Sidoo kale, Kol. Garabeey wuxuu sheegay inay dadka deegaanku si aad ah u soo dhaweeyeen ciidamada dowladda, dibna uu u bilowday ganacsigii halkaas ka socday, wuxuuna deegaanka ku tilmaamay mid ganacsi xooggan uu ka socdo.

“Xoogaggii Al-shabaab ee aan maanta ka saarnay deegaankan Sheekh Yuusuf (Kabo-ku-tukade) ayaa horkacayay, waxayna ciidamadu ku jiraan sidii ay kooxahaas uga saari lahaayeen deegaannada kale ee gobolka,” ayuu hadalkiisa raaciyay Kol. Garabeey.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan in maanta ay ciidamada dowladdu kala wareegeen deegaanka Biyo-cadde, iyadoo tani ay qayb ka noqonayso howgallada ay ciidamada dowladdu kaga qabsanayaan Al-shabaab deegaannada dalka Soomaaliya qaarkood.

Gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku hayay Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinaysay, iyadoo haatan ay u muuqato in ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay horumarro ka sameynayaan gobolkaas.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMIOSM ay kala wareegeen Al-shabaab degmada Mahadaay oo ka mid ah degmooyinka ugu waaweyn gobolka Shabeellada dhexe, waxaana ciidamadu ay horay uga sugnaayeen degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya