4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Golaha Wakiillada Somaliland oo Maanta meel mariyey xeerka waddooyinka iyo cashuur kordhinta Xoolaha iyo Gaadiidka (SAWIRRO)


Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey xeerka horumarinta wadooyinka oo lagu kordhinayo cashuuro xoolaha iyo gaadiidka, taas oo golaha ku kala aragti duwanaa.

Doodda xeerkan oo maalmihii la soo dhaafay ka socday xarunta golaha Wakiiladda ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa, haseyeeshee waxa maanta ku gacansareeyey xildhibaanadda muxaafadka ah oo cod aqblabiyad ah ku meel mariyey, waxaana xildhibaanadda soo xaadiray dhamayd 70 xildhibaan, waxaana ogolaaday ansixinta xeerkaasi 58 xildhibaan, halka Sideed xildhibaana diideen, saddex xildhibaana ka aamuseen, gudoomiyuhuna aanu codeyn.

Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa isku dayey inay kooram la’aan ka dhigaan golaha si aan xeerkaasi loo ansixin waxaanay in badan ka war wareegeen inay hoolka soo fadhiistaan, maadaama oo ay arkeen in laga badan yahay, haseyeeshee xukuumadda ayaa ku guulaystay in xildhibaanadii muxaafadka iyo kuwii mucaaradkaba xeerkaasi u ansixiyaaan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda mucaaradka oo shirjaa’id ku qabtay golaha dhexdiisa ka dib markii la ansixiyey ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay xoog iyo dhaqaalaba ku saartay sidii xeerkaasi loo ansixin lahaa, isla markaana waxay tilmaameen in xildhibaanadii iyaga la socday ee wakhtigii ay doodda dhiibanayeen isku aragtidda ahaa xukuumaddu ka shaqaysay inay xeerka u codeeyaan.

Xildhibaanada ayaa dadweynaha ugu baaqay inay la xisaabtmaan xildhibaanadooda, maadaama oo ay ogolaadeen xeer ogolaanay in cashuur lagu kordhiyo xoolaha dhoofaya iyo gaadiidka danyarta u adeega, kuwaas oo si adag ugu dhaliilay xukuumada inay 24 saacood ee u dambeeyey ku mashquulsanayd sidiii xildhibaanadda ugu qancin lahayd inay ansxiyaan xeerkaasi.

Dhinaca kale, labadda xisbi Mucaarad ee WADANI iyo UCID oo shalay ku baaqay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan xeerkaasi ayaa xalay xukuumaddu ka diiday, iyagoo shardi kaga dhigtay inay saddex cisho ka hor ahayd inay soo codsadaan wixii mudaharaad ah.

Sidoo kale, xukuumadda oo maanta ka shakisan inuu mudaharaadkaasi dhaco ayaa ciidamo badan soo dhoobta agagaaarka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada, iyadoo la xidhay jidka hormara madaxtooyadda.

Si kastaba ha ahaatee, anisixinta xeerkan ayaa xukuumaddu ku guulaysatay, iyadoo mucaaradka iyo muxaafadku ku soo bandhigeyeen awoodda ay ku kala haystaan baarlamaanka, maadaama oo gudoomiyaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro uu hogaaminayo xisbiga mucaarad ee WADANI, isla markaana xisbigiisu ka soo horjeeddo ansixinta xeerka, kuna baaqay mudaharaad iyo xukuumadda oo rabta in xeerkaasi la ansixinyo.

Sidoo kale, dadweynaha ayaa ku kala aragti duwan xeerkan, kuwaas oo qaarkood dhaliilayaan qaar kalana soo dhoweynayaan.

Xukuumadda ayaa ku doodaysa in xeerkan wadooyinka loogu talogalay in loo sameeyo cashuur u gaar ah si wadooyinka loogu dhiso,halka mucaaradku ku doodayaan in aanay dadku qaadi Karin cashuurtan dheeraadka ah ee la saaray xoolaha iyo Gaadiidka.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland