4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Afhayeenka booliiska Somalia oo ka warbixiyay falal Ammaan-darro oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho

Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidanka Booliiska dalka Soomaaliya, Kol.Maxamed Cabdi Madaale ayaa ka warbixiyay maanta falal ammaanka kasoo horjeeda oo 24-kii saac ee ugu dambeeyay ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Kol. Madaale ayaa sheegay in falalka ammaan-darro ay ka dhaceen saddex degmo oo kala ah: Wadajir, Yaaqshiid C/casiis, isagoo sheegay in ciidamadu ay soo qabteen qaar ka mid ah dadkii lagu tuhmay inay falalkaas fuliyeen halka kuwo kalena ay ku raad joogaan.

“Degmada Yaaqshiid waxaa shalay lagu dilay nin lagu magcaabi jiray Daahir Cabdi Geeddi oo 55-jir ahaa waxaana dilay kooxo Al-shabaab ka tirsan oo baxsaday, waxaana ku raad jooga ciidamada booliiska Soomaaliya,” ayuu yiri Col. Madaale oo sheegay in wixii kasoo baxa baaritaanka ay dib kala soo socod siin doonaan warbaahinta.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in la gubay haweeney Xaliimo Cali Carab lagu magacaabo iyo ninkeeda oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim, waxaana geystay falkaas gubniinka ah oo loo adeegsaday bansiin iyo tafaq nin horay u qabay gabadha oo ay ilmo u dashay, waxaana ciidamadu ay weli ku jiraan sidii loosoo qaban lahaa, isagoo sheegay in falkan uu ka dhacay degmada C/casiis.

Kol. Madaale oo sii hadlayay ayaa sheegay xaafadda jiiro maskiin ee degmada Wadajir lagu dilay askari alifle ah oo ka tirsan booliiska Soomaaliya uuna dilkiisa ka dambeeyay nin lagu sheegay magaciisa Mustafe Dhego kaas oo baxsaday, balse ciidamadu ay heleen tilmaantiisa laguna raad joogo.

Dhanka kale, afhayeenka booliisku wuxuu xusay in sidoo kale ciidamadu ay qabteen laba nin oo ku hubeysan qoryo fudud oo dhac u geysan jiray dadka ayna ku qabteen degmada Wadajir, isagoo sheegay in sharciga la horkeeni doono.

Dhacdooyinkan ayuu sheegay inay dhammaantood ku lug leeyihiin falalka ammaan-darro ee kooxaha hubeysan ay ka geysanayaan caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, ciidamaduna ay dadaal ugu jiraan sidii ay kusoo qaban lahaayeen dhammaan dambiilayaasha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa tan iyo sannadkan horraantiisa ka dhacayey falal ammaanka liddi ku ah oo isugu jira dilalka qorsheysan, qaraxyada iyo weliba is-miidaamin dhowr goobood lala bar-tilmaameedsaday, inkastoo dowladdu ay xustay in ay ka hortagtay falal ammaan-darro oo intaas ka badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya