4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Madaxweynaha Somalia oo la kulmay Maamulka Jaamacadda Ohio iyo Qaar ka mid ah Xildhibaanada Mareykanka (SAWIRRO)


Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Madaxweyaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  kulan la yeeshay madaxda Jaamacadda Ohio iyo qaar ka mid ah xildhibaanada gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

Kulanka kaddib ayaa madaxweyneuhu wuxuu khudbad ka jeediyay Glenn School of Public Affairs oo qayb ka ah jaamacadda Ohio, kaasoo ay goob-joog ka ahaayeen dad gaaraya 250-qof. Jaamacadda Ohio ayaa ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn ee dalka Maraykanka si weyna loo qadariyo.

Xasan Sheekh oo ay khudbaddiisu socotay muddo saacad ku dhow ayaa ku sheegay in waxbarashadu ay lama huraanka u tahay nolosha ayna haboon tahay inaan marnaba aan laga harin.

Madaxweynaha ayaa ka warramay xaaladda nabadgelyo, siyaasad, dhaqaale iyo waxbarasho ee Soomaaliya, isagoo kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhigata Jaamacadda Ohio inaysan hilmaamin dalkooda hooyo ayna muhiim tahay inay kusoo noqdaan markay waxbarashadooda dhamaystaan si ay qayb uga noqdaan isbedelka dalka ka socda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Intaas kaddib ayuu madaxweynuhu wuxuu mahad-naq u jeediyay maamulka jaamacadda iyo xubnihii kale ee kulankaas goobjooga ka ahaa isagoo sidoo kale madaxda jaamacadda ku boorriyay inay dhanka waxbarashada ka caawiyaan Soomaaliya.

Soomaaliya oo muddo ka badan 20-sano ay ka jireen colaado sababay inuu burbur xooggan ku yimaado waxbarashadii aasaasiga ahayd ayaa waxay dhawaan billowday barnaamij cusub oo waxbarashadii dalka dib loogu soo nooleynayo, kaasoo loogu magac-daray AADA DUSGIYADA.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay dib u soo nooleyso waxbarashada, ayna sannadkan billowday sidii ay u heli lahaayeen caruur Soomaaliyeed oo ka badan hal milyan waxbarasho lacag la’aan ah.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii ay Al-shabaab sheegatay ee lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi, isagoo sheegay in taasi ay caddeyn u tahay in kooxda Al-shabaab aysan khatar ku ahayn Soomaaliya oo keliya, balse ay dhibaato ku tahay guud ahaan dalalka Afrika iyo calaamka intiisa kale.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxay ku sugan yihiin  New York, halkaasoo uu kaga qaybgalayo shirka guud ee UN-ka oo sannadkiiba mar la qabto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya