4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Maxkamada ICC oo Kenya ka Caawin doonta sidii Cadaaladda lagu horkeeni lahaa Kooxaha gaystay Weerarka Westgate
Fatou.jpgTalaado, September 24, 2013 (HOL) - Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa sheegtay inay Kenya ugu yaboohayso caawimaad ku aadan sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa kooxaha gaystay weerarka lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate.

Fatou Bensouda oo ah haweenayda dacwad soo oogaha ka ah maxkamadaasi ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in ay naxariis uu muujinayso dadkii ku dhibaatoobay weerarkaas oo ay sheegtay inuu yahay dambi wayn oo maxkamadda caalamiga ah ee ICC ay dacwadiisa qaadi karayso.

“Anigoo xushmad ballaaraan u haya garsoorka jamhuuriyada Kenya ayaan u cadaynayaa dawlada Kenya iyo bulshada caalamkaba inaan diyaar u ahay sidii aan dawlada Kenya uga caawin lahaa in cadaaladda la horkeeno kuwii ka dambeeyay weerarkan" ayay tiri Bensouda.

Weerarka lagu soo qaaday xarunta Westgate oo aan ilaa iyo hadda lagu guulaysan in lasoo afjaro ayaa waxaa ku dhintay 62 qof halka dhaawucuna uu yahay 175,  sida ay shaacisay dawlada Kenya, balse hay'adda laanqayrta cas ee Kenya ayaa dhimashada ku sheegtay 68.

Waxaana maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalku ay haatan dacwadi uga socotaa madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto oo shalay dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii fasax lasoo siiyay xilli Kenya ay ka taagan tahay masiibo ka dhalatay weerarka lagu qaaday xarunta Westgate.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya