4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Kenya oo Shaacisay in Kooxaha Weerarka ku Qaaday Westgate ay haystaan dhalashooyin kala duwan
flex_main_8.jpg
Talaado, September 24, 2013 (HO) - Wasiiradda arrimaha dibada ee Kenya Aamina Maxamed Jibriil ayaa shaacisay in dhalashooyin kala duwan ay haysteen ragga qaaday weerarka xarunta ganacsiga ee Westgate.

Aamina ayaa sheegtay in 3 kamid ah ay haystaan dhalashada wadanka Maraykanka oo ay asal ahaan kasoo jeedaan Soomaali iyo Carab.

"Waxay jiraan 18 ilaa 19 sannadood, waxayna ku nolaayeen gobolka Minnesota" ayay tiri Aamina oo warbaahinta u warramaysay.

Waxay kaloo sheegtay in dadka weerarka gaystay ay ku jirto haweeney u dhalatay dalka Britain oo horay uga soo qaybqaadatay falal noocaan oo kala ah.

"Dadkan waxaa ku jira muwaadiniin u dhashay wadamada Maraykanka iyo Britain, taasina waxay ku tusaysa muhiimada ay leedahay inaan is garabsanno oo aan ka wada shaqayno sidaan ugu guulaysan lahayn dagaalka lagula jiro argagixisada caalamiga ah" ayay tiri wasiiradda arrimaha dibadda Kenya oo markii ugu horreysay ka hadashay weerarada khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday Westgate.

Aamina Maxamed ayaa ku baaqaday in caalamku iska kaashado dagaalka lagula jiro argagixisada oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid caalami ah.

Hadalka wasiirada arrimaha dibada ee Kenya ayaa ka hor imaanaya hadal uu horay u jeediyay wasiirka arrimaha gudaha Joseph Olelenko oo mar la waydiiyay in haweeney Britain u dhalatay ay ku jirto kooxda weerarka qaaday ku jawaabay in dhammaantood ay rag yihiin.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya