4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Al-shabaab oo ku goodisay inay Weerarro la mid ah Midkii Nairobi ka geysan doonto dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya

Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarro la mid ah kii ay Nairobi ku qaadeen ay la beegsan doonaan dhammaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo warbaahinta afka kooxdan ku hadasha la hadlayay ayaa sheegay in weerarkii ay ku qaadeen xarunta Westgate Mall ay ku guuleysteen ayna midkaas oo kale ku qaadi doonaan dalalka kale ee Kenya la midka ah.

“Weerarkii aan ku qaadnay Kenya waxaan ku qaadi doonnaa dalalka ay kaga sugan yihiin Soomaaliya ciidamadu, si aan uga aargudano dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabkeenna,” ayuu yiri Sheekh Cali Deere.

Inkastoo afhayeenku uusan magacaabin dalalka ay qorsheynayaan in weerar ay la beegsadaan iyo xilliga ay weerarkaas qaadayaan ayaa haddana waxaa horay u muujiyay digtooni dalalka Uganda iyo Itoobiya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya.

Dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah: Uganda, Itoobiya, Burundi, Sierra Leone, Jabuuti iyo Kenya, waxaana shan dal oo dalalka ka mid ah ay qayb ka yihiin howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, halka dowladda Itoobiya ay is iskeed ah ciidammo ugu soo dirtay Soomaaliya. 

Xisbiga mucaaradka ah ee dowladda Itoobiya ayaa ka digay in Al-shabaab ay Itoobiya ka geystaan weerar la mid ah kii ay la beegsadeen Nairobi, kaasoo kooxaha ku qaaday ay ku qabsadeen dhismaha ganacsiga Westgate Mall oo ah goob uu ka socday ganacsi weyn.

Sidoo kale, xukuumadda Uganda ayaa sheegtay inay adkeysay ammaanka guud ee goobaha muhiimka ah ee magaalada Kampala, halkaasoo sannadkii 2010 ay Al-shabaab ka geysatay weerar ay ku dhinteen in ka badan 76-qof oo daawanayay ciyaartii kama dambeysta ahayd ee koobkii Adduunka.

Hadalka afhayeenka Al-shabaab ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ay maalintii afaraad kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ay ciidamada Kenya kula dagalamaayaan xarunta ganacsiga ee Westgate Mall.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya