3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 24, 2013
Golaha Wasiirada Soomaaliya oo xalay ku yeeshay Muqdisho shir aan caadi ahayn oo ay uga hadleen Weerarka Kenya (SAWIRRO)


Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya oo xaaly shir aan caadi ahayn ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa kaga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin falalka argagixisonimo ee ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo uu shir-gudoomiyay ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka kheyraadka dalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa markii uu dhamaaday waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Faqi oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay cambaareynayso cid walba oo falkaas geysatay.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in go’aannada ay ka mid ahaayeen inay u direen tacsi guud shacabka Kenya, gaar ahaan dadkii ay weerarkaas ehelladooda kasoo gaartay waxyeelladu.

Qodobadii kasoo baxay shirka ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa in wafdi uu hogaaminayo wasiirka difaaca Soomaaliya loo diro dalka Kenya si loo muujiyo in Soomaaliya ay xanuunaka la qaybsanayso walaalahooda Kenya.

Wasiirka gaashaan-dhigga ayaa wuxuu kala hadli doona madaxda Kenya sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada iyo sidii amniga labada dal loo xoojin lahaa, hal aragtina looga qaadan lahaa kooxda Al-shabaab.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
9/24/2013 4:44 PM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay caawa inay soo afjareen howlgalkii ka socday rugta ganacsiga Westgate Mall, kaddib afar maalmood oo ay gacanta ku hayeen kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab.

9/24/2013 12:19 PM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Hay’adda Amnesty International oo u doodda xuquuqda aadanaha ayaa weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday suuqa ganacsi ee Westgate ku tilmaantay mid arxan-darro ah oo ay ku beegsatay dad aan waxba galabsan oo ku jiray howl-maalmeedkoodii caadiga ahaa.

9/24/2013 10:39 AM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Kooxda Al-shabaab ee Somalia ayaa ku hanjabtay mar kale inay weerarayso dalka Kenya haddii ciidamadooda aysan ugala bixin Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.

9/24/2013 10:38 AM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland ee UCID iyo WADANI ayaa si adag u dhaliilay xildhibaanadda golaha Wakiiladda ee ansixiyey xeerkaasi iyo xukuumadda dabadda ka riixaysayba.

9/24/2013 9:45 AM EST
Talaado, September 24, 2013(HOL) :- Shir ay isugu yimaadeen Isimada iyo waxgaradka qaar kamid ah beelaha dega Jubooyinka islamarkaana socday mudo sedex maalmood ah ayay kasoo saareen bayaan ka koobnaa qodobo dhowr ah.

9/24/2013 9:09 AM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Hay'adda Save The Childaren ayaa in ka badan 300 oo naafo ah oo ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan u qeybisay karar mudo sadex bilood ay ku qaadan doonaan lacag dhan bishiiba $85 doolar.

9/24/2013 9:06 AM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta dagaal muddo kooban socday kula wareegay deegaanka Biyo-cadde ee gobolka Shabeellada dhexe.

9/24/2013 8:48 AM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Berdaale ee gobolka bay, Cara-cas ayaa waxaa lagu dhaawacay howlgal ay ciidamadu ku soo qabanayeen gacanku dhiigle habeen hore magaalada Baydhabo ku dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

9/24/2013 8:48 AM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyey xeerka horumarinta wadooyinka oo lagu kordhinayo cashuuro xoolaha iyo gaadiidka, taas oo golaha ku kala aragti duwanaa.

9/24/2013 8:08 AM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Afhayeenka ciidanka Booliiska dalka Soomaaliya, Col.Maxamed Cabdi Madaale ayaa ka warbixiyay maanta falal ammaanka kasoo horjeeda oo 24-kii saac ee ugu dambeeyay ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

9/24/2013 7:49 AM EST
Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa xaqiijiyay in 3 kamid ah ciidamadooda ay ku dhinteen dagaallada ay ku doonayaan inay ku soo badbaadiyaan dadka maxaabiista ah ee lagu haysta goobtaas.

9/24/2013 7:35 AM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Madaxweyaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la yeeshay madaxda Jaamacadda Ohio iyo qaar ka mid ah xildhibaanada gobolka Ohio ee dalka Maraykanka.

9/24/2013 7:16 AM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Magaalada Amsterdam ee Holland ayaa waxaa shalay shir saacado badan qaatay ku yeeshay qaar ka mid ah jaaliyadda kasoo jeedda gobolka Galguduud ee ku dhaqan dalkaas iyo wafdi ka socday gobolka Galguduud, kuwaasoo hogaaminayay, Abuukar Daahir Maxamed oo ka qaybgalay shirkii Brussels ahaana wakiilka guddoomiyaha gobolka Galguduud, Xuseen Cali Weheliye (Cirfo).

9/24/2013 7:14 AM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Danjiraha Somalia ee dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) ayaa sheegay maanta in dhacdadii dhawaan ka dhacday rugta ganacsiga Westagate Mall ee magaalada Nairobi oo ay mas’uuliyadddiisa sheegtay Al-shabaab aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin Soomaalida ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

9/24/2013 6:52 AM EST
Inkastoo dawlada Kenya ay shalay shaacisay inay la wareegeen ciidankoodu dhammaanba dabakhyada uu ka koobanyahay dhismaha xarunta ganacsiga ee Wetsgate ayaa la maqlayaa dhaawaqa rasaasta la is waydaarsanayo oo si teel teel ah u dhacaysa maalintii Afraad..

9/24/2013 6:30 AM EST
Maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa sheegtay inay Kenya ugu yaboohayso caawimaad ku aadan sidii cadaalada loo horkeeni lahaa kooxaha gaystay weerarka lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate.

9/24/2013 6:23 AM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal caafimaad iyo fasax iskugu jira oo uu ku tagay Imaaraadka Carabta.

9/24/2013 5:42 AM EST
Wasiiradda arrimaha dibada ee Kenya Aamina Maxamed Jibriil ayaa shaacisay in dhalashooyin kala duwan ay haystaan ragga qaaday weerarka xarunta ganacsiga Westgate.

9/24/2013 3:12 AM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerarro la mid ah kii ay Nairobi ku qaadeen ay la beegsan doonaan dhammaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

9/24/2013 2:10 AM EST
Talaado, September 24, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay inay toogasho ku dileen lix ka mid ah xoogaggii hubeysnaa ee afar maalmood ka hor la wareegay dhismaha ganacsi ee Westgate Mall.