4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Geneva iyo shir looga hadli doono Xuquuqda Aadanaha oo berri furmaya (SAWIRRO)


Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa xalay gaaray magaalada Geneve ee dalka Switzerland, halkaasoo uu berri ka furmayo shirka golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay.

Mudane Saacid iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka magaalada Geneve  kusoo dhoweeyay safiirka Switzerland u fadhiya xarunta QM ee Geneve, Amadeo Perez, madaxa qaybta hab-maamuuska Geneve, Jean-luc Chopard, safiirka Soomaaliya u fadhiya xafiiska Q.M ee Geneve, Yuusuf Bari-bari iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland.

Ra’isul wasaare Saacid iyo wafdigiisa waxaa ay maanta kulammo hordhac ah la wadaagayaan mas’uuliyiin iyo qaar ka mid ah madaxda ka qaybgalaya kulanka berri ka furmaya golaha xuquuqul Insaanka ee Geneve.

Waxaa la filayaa in ra’iisul wasaaruhu uu ka jeedin doono shirka khudbad uu kaga hadlayo xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya iyo horumarrada ay dawladdu ku talaabsatay, isagoo la filayo inuu si gaar ah uga hadlo dhowrista xuquuqda haweenka iyo ka hortagga dilalka loo gaysto wariyeyaasha.

Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya wakiillada dhamaan dowladaha xubnaha ka ah golahan, hay’ado caalami ah iyo ururrada bulshada rayidka ah oo ka kala imaanaya daafaha caalamka.

Wuxuuna kusoo beegmayaa iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliyauu uu ku dhawaaqay 27-kii Ogoosto inay xukuumaddiisu u aqoonsatay maalinta xaquuqda aadanaha Soomaaliyeed, kaddib kulan lagu soo bandhigayay khariidadda geedi-socodka xaquuqda aadanaha oo Muqdisho lagu qabtay. Kulankaas ayaa waxaa goobjoog  ka ahaa wafdi heer caalami ah oo uu horkacayay khabiirka madaxa-bannaan ee arrimaha xaquuqul Insaanka Soomaaliya, Dr. Shamsul Bari.

Shirkan waxaa sidoo kale sanadkan kasoo qayb galaya wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholes Key, ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Al-Nadiif iyo madax kale.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya