4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Dhawaqa Rasaasta oo wali la maqlayo iyo ciidamada Kenya oo shaaciyay in ay la wareegeen Xarunta ganacsiga ee Westgate

Isniin, September 23, 2013 (HOL) - Xarunta Ganacsiga ee Westgate  ayaa gubanaysa kadib markii halkaas ay ka dhaceen wax ku dhow toboneeyo qarax oo is xig-xiga sida ay ku soo warramayaan dad ka agdhow deegaankaas.

Uuro ayaa ka baxaysa dhismaha, waxaana ciidamada Kenya ay goor dhow shaaciyeen in tiro dad ah oo afduub loo haystay ay kasoo badbaadiyeen goobtaas, ayna dileen labo kamid ah kooxihii weerarka qaaday.

Xoghayaha arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku ayaa shaaciyay inay xarunta gacan ku haynteeda la wareegeen walow wali xabbado laga maqlayo goobtaas.

Dawlada Kenya ayaa sheegtay inay ogaatay cida ay yihiin raggii weerarka soo qaaday isla markaana ay baacsan doonto iyadoo ka gaabsatay in saxaafada ay u faahfaahiso halka ay ka yimaadeen.

Joseph Ole Lenku xogyaha arrimaha gudaha ee Kenya waxaa uu ka codsaday dadweynaha inay feejignaadaan inta si toos ah hawlgalku u soo gabagaboobayo.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya