4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Ciidamda badda Puntland oo howlgal ay ka sameeyen Boosaaso kusoo qab-qabtay qaar kamida dadka Tahriibta ka shaqeeya

Isniin, Sebtember 23, 2013 (HOL)- Ciidamada badda ee Puntland ayaa howgal ay dhowrkii beri ee ugu dambeeyey ka wadeen magaalada Boosaaso, waxay kusoo qab-qabteen qaar kamida dadka tahriibta ka shaqeeya.

Dadkan oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, ayaa u qaybsan mukhallisiin, dadka iska leh doomaha yar-yar ee wax lagu tahriiyo iyo kuwa ay dadka tahriibayaasha ahi guryahooda kusoo degaan.

Taliyaha ciidamada badda ee Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Faarax, ayaa shir-saxaafadeed uu maanta magaalada Boosaaso ku qabtay, wuxuu kaga warbixiyey howlgalkii dadkan lagu soo qab-qabtay iyo weliba deeq raashin ah oo ay ciidamadu qaybiyeen.

"Maadamaa waajibaadkeena ay qayb ka tahay la-dagaalanka tahriibta, waxan qaadnay howgal ballaaran, anagoo ku guuleysanney inaan soo qabanno 14 qof oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan" Taliyaha ciidamda badda Puntland ayaa yiri.

Dhanka kale, Admiral Diirye ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyey ay ciidamada baddu ku howlanaayeen qaybinta deeq raashin ah, taas oo ka timid Imaaraadka Carabta, looguna tala galay dadka tabaaleysan ee ku dhaqan deegaannada Puntalnd.

"Ciidanku maalmahan wuxuu ku howlahaa qaybinta raashin ay dowladda Imaaraadku ku deeqday, oo loogu tala galay dadka naafada ah iyo kuwa dhimirka looga jiro. Waxaa laga qaybiyey Boosaaso, Gaalkacayo, Garoowe iyo Qardho"

Tan iyo markii la asaasay ciidamda badda Puntland sanadkii 2010, waxaa si aad ah hoos ugu dhacay tirada dadka ka tahriiba xeebaha magaalada Boosaaso iyo xeebaha degamada Laas-qoray ee gobolka Sanaag.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland