9/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Madaxweynaha Puntland oo dowladda iyo shacabka Kenya uga tacsiyeeyey weerarkii suuqa Westgate ee Nairobi

Isniin, Sebtember 23, 2013 (HOL)
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa si xooggan loogu cambaareeyey weerarkii ay dadka badni ku dhinteen ee ka dhacay suuqa Westgate, ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Puntland uu warqad tacsi ah u diray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, warqaddaas oo uu ku caddeeyey sida ay dowladda iyo shacabka Puntland uga xun yihiin falkaas oo lagu tilmaamay mid argagixiso.

"Madaxweynaha Puntland waxa uu warqad tacsi ah u direy Uhurru Kenyatta, isagoo la wadaagay dareenka shacabka Kenya ,mawqifka la-dagaalanka argagixisada iyo weliba dadaalka Kenya ugu jirto xasilinta Soomaaliya" qoraalka kasoo baxay madaxtooyda Puntland ayaa sidaas lagu yiri.

Dhinaca kale, Puntland ayaa sheegtay in weerarkaasi uu yahay mid laga dheehan karo khatarta argagixisada gobolka geeska Afrika  "weerarkan waxa uu muujinayaa khatarta argagixisada mandaqadda Geeska Afrika oo aan aqoonsanayn soohdin iyo dal toonna"

Weerarka ka dhacay suuqa Westgate oo ay ku dhinteen 69 qof, wuxuu noqonayaa kii ugu khasaarhaa badnaa ee Nairobi ka dhaca, wixii ka dambeeyey qaraxii safaaradda Maraykanka ee sanadkii 1998, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.

Suuqa Westgate oo la dhisay sanadkii 2007, islamarkaana ay maalin kasta kumannaan qof u dukaameysi tegi jireen, waxaa maalintii saddexaad ku jira kooxdii weerarka fulisey oo ay halkaas ugu afduuban yihiin la-haystayaal aan ilaa iyo hadda tiradooda si rasmi ah loo ogeyn.

Ururka Al-shabaab oo mas'uuliyadda weerarkaas sheegtay, ayaa ku hanjabay in dhamaan dadkaas la leyn doono haddii ciidamada Kenya aysan ka bixin goobaha ay Soomaalilya kaga sugan yihiin.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland