4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Ciidamada Kenya iyo kuwo Ajaanib ah oo isku Diyaarinaya in ay Weeraraan Dhismaha ganacsiga Westgate ee Nairobi

Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Ciidamada Kenya iyo kuwo ka socda dalka Israa’iil ayaa waxaa la sheegay inay isku diyaarinayaan sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen dhismaha ganacsiga ee Westgate, halkaasoo maalintii saddexaad ay haystaan kooxo hubeysan oo ka tisran Al-shabaab.

Dableyda gacanta ku haysa dhismaha ganacsi ayaa la sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan 10 illaa 15 ruux, kuwaasoo ku sugan dabaqa afaraad ee rugta ganacsiga Westage, iyagoo rasaas aan badnayn halkaas kasoo ridaya.

Ururka bisha cas ee dalka Kenya ayaa sheegay in tirada dadka weerarkaas ku dhintay ay sare u kacday, ayna hadda marayaan 69-qof, iyadoo dhaawucuna uu marayo 172 qof. Sidoo kalena waxaa la sheegay in ciidamada Kenya ay ka soo badbaadiyeen dhismahaas 1,000 qof.

Xarunta ganacsiga ee Westgate ayaa xiran iyadoo ay sidoo kale xiran yihiin goobaha aadka ugu dhow iyo waddooyinka soo gala xaruntaas, xilli ay maanta dalk Kenya ka tahay maalin shaqo oo toddobaadkan billowgiisa ah.

Saraakiisha dowladda Kenya ayaa sheegay inay ka go’an tahay in arrintan ay soo af jaraan maanta, inkastoo ay xoogagga hubeysan rasaas badan soo ridayaan iyagoo la beegsanaya goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Kenya ee dhismahaaas ku hareeraysan.

Madaxda dalka Kenya ayaa sheegay in dhibaatadan dhacday ay tahay mid ay ka dambeeyaan kooxo argagaxiso ah, balse aan ahayn mid Islaamka wax lug ay ku leeyihiin, sidoo kalena ay tahay mid la doonayo in shacabka dalka Kenya loogu kala qaybiyo qaab diimeed.

Ra’iisul wasaarihiii hore ee Kenya, Raila Odinga oo warbaahinta kala hadlay shacabka Kenya ayaa ugu baaqay inay midnimadooda adkeeyaan ayna ka digtoonaadaan in la kala qaybiyo, isagoo sheegay in kooxaha argagixisada ah ay doonayaan oo keliya inay dhibaatooyin ku dhex abuuraan shacabka Kenya.

Dad kasoo badbaaday dhismaha ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ee ku jira xarunta Westgate ay dadka ay haystaan u kala soocayaan Mulsim iyo Kiristan, iyagoo dilaya dadka ay ogaadaan inay kiristan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya