4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Doon ganasi oo kusoo wajahneyd dekedda Boosaaso oo ku degtey biyaha u dhexeeya Cumaan iyo Imaaradka Carabta

Isniin, Sebtember 23, 2013 (HOL)- Doon ganacsi oo u rarneyd ganacsato reer Puntland ah, kuna soo jeeddey dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa ku degtey biyaha u dhexeeya dalalka Imaaraadka Carabta iyo Cummaan.

Doontan oo lagu magacaabi jirey Tajuddiin Baaba ayaa siddey shixnad culeyskeedu gaarayo 1,200 (kun iyo labo boqol) ootan, taas oo isugu jirtey: raashin, bagaash, qalabka dhismaha iyo gaadiid.

Qaar kamid ah ganacsatadii ay doontani u rarneyd oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in doontu ay degtay kaddib markii ay dabeylo xoggani ku kaceen.

Waxay sidoo kale sheegeen in dhamaan shaqaalihii doonta degtay saarnaa lagu guuleystey in la badbaadiyo, kaddib markii ay u gurmatey doon kale oo iyaduna dhinaca Puntland ku soo socotey.

Inkasta oo sanadkan ay tahay markii ugu horreysey, waxaa hadana dhowr mar oo hore sidan oo kale ugu degey biyaha Badda Carabta iyo Gacanka Cadmeed, doomo ganacsi oo badeecooyin kala duwan usoo sidey Somaaliya.

Bishii July 24-keedii sanadkii 2011, ayey ahayd markii ay sidan oo kale u degtey doon lagu magacaabi jirey Al-cabuud, lagana lahaa dalka Baakistaan, taas oo kusoo wajahneyn dekedda magaalada Boosaaso.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland