4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Madaxweynaha Dowladda Somalia oo Magaalada Columbus, Ohio kulan kula yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka (SAWIRRO)


Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada Columbus, Ohio qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, inkastoo ay jireen dad badan oo ka yimid gobollo fog-fog oo ay u suuro geli wayday inay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa ka hadlay isbedelladii dalka ka dhacay halkii sano ee ay dowladdiisu xilka haysay, isagoo xusay in arrimaha ay xoogga saareen ay ka mid yihiin: ammaanka, dib u habeynta garsoorka, dhaqaalaha iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida.

“Waxaa dhici jirtay markii dowlad dhisan uu waqtigeedu dhammaado inay codsato in loogu daro waqti dheeraad ah si ay howsha u harsan xilligaas ugu dhameystirto, balse innaga waxaa naga go’an inaan marka la gaaro 2016-ka ay dalka doorasho ka dhacdo oo ciddii doorashadaas kusoo baxda ay dalka hoggaamiso,” ayuu madaxweynuhu ku yiri khudbaddiisa.

Intii ay khudbadda madaxweynuhu socotay ayaa waxaa dibadda goobta uu ka dhacayay kulanka ku dibadbaxay dad kasoo horjeeda siyaasadda uu ku shaqeynayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha iyo wafdigiis ayaa shalay oo Axad ahayd gaaray magaalada Columbus, Ohio iyadoo gobolkan uu qayb ka yahay goobaha uu qorsheystay madaxweynuhu inuu booqdo inta uu ku sugan yahay dalka Mareykanka.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday magaalada Nairobi iyo dadkii ku dhintay dhismaha ganacsiga ee Westgate, halkaasoo kooxihii weeraray oo ka tirsan Al-shabaab ay maalintii saddexaad gacanta ku hayaan.

Waxyaabaha xusidda mudan ayaa waxaa ka mid ah in Soomaali fara badan oo ka yimid magaalada Seattle ee gobolka Washington oo ku yaalla galbeedka Mareykanka aadna uga fog gobolka Ohio ay fursad u heli waayeen inay madaxweynaha la kulmaan, maadaama uu buuxsamay hoolkii kulanka lagu qabtay oo ahaa mid aad u yar.

Halkaan ka daawo sawiro kale


Bannaanka xarunta uu kulanku ka dhacayay ayaa waxaa ku sugnaa dad aad uga badan kuwii gudaha ku jiray, kuwaasoo doonayay inay la kulamaan madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo hoolka shirka lagu qabtay uu ahaa mid qaadi kara saddex meelood hal meel dadkii doonayay inay kulanka ka qayb galaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa lagu wadaa in maanta oo Isniin ah uu ka jeediyo khudbad Jaamacadda Ohio, isagoo markaas kaddib u dhoofi doona magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu kaga qayb gelayo shirka guud ee Qaramada Midoobay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya