3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 23, 2013
Bam Gacmeed lagu Weeraray guri uu daganaa taliyaha Saldhigga dhexe ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Jubbada Hoose

Isniin, September 23, 2013(HOL) :- Bambaanooyin nooca gacanta laga tuuro ayaa xalay saqdii dhexe lagu weeraray guri uu daganaa taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo Max’ed Cabdi Buulle Sugoow.

Weerarkan ayaa lagu qaadayguri uu daganaa taliyaha oo ku yaal xaafadda Farjanno, waxaana weerarka ka dib la maqlayay rasaas xooggan oo ay ridayeen ciidamadii ilaalada u ahaa taliyaha.

Taliyaha oo u waramay HOL ayaa sheegay in uu ka badbaaday weerarkii xalay, wuxuuna xusay in aysan jirin cid wax ku noqotay weerarkaasi.

“Xalay ayaa la igu soo weeraray gurigeeyga, bambaanooyin ayaa la igu soo tuuray, Ilaah cidna wax kuma yeelin, darbiga guriga ayay burburisay,” ayuu taliyuhu hadalkiisii raaciyay.

Taliyaha ayaa weerarkan ku eedeeyay xoogagga Al-shabaab, walow Xarakada Al-shabaab aysan ilaa imika sheegan masuuliyadda weerarkaasi.

Waa markii ugu horeeysay oo weerar lagu qaado guri uu daganyahay taliyaha saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo tan iyo intii loo magacaabay xilkaaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
9/23/2013 1:55 PM EST
Saacado kadib markii ay gudiga sare ee amniga qaranka ee Kenya ay shaaciyeen inay la wareegeen xarunta ganacsiga ee Westgate ayaa muuqaallada halkaasi ka imaanaya ay muujinayaan in dagaalkii uusan wali dhammaanin.

9/23/2013 11:12 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegay in lala macaamili karo Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed lala macaamili karo.

9/23/2013 8:25 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa xalay lagu dilay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo markii la dilay lagu riday ceel ku yaalla xaafadda isha ee magaalada Baydhabo.

9/23/2013 8:16 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo xalay gaaray magaalada Geneve ee dalka Switzerland, halkaasoo uu berri ka furmayo shirka golaha xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay.

9/23/2013 8:00 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) —Al-shabaab ayaa soo bandhigtay qaar ka mid ah magacyada xoogaggii weeraray xarunta ganacsiga WESTGATE ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka.

9/23/2013 7:50 AM EST
Xarunta Ganacsiga ee Westgate ayaa gubanaysa kadib markii halkaas ay ka dhaceen wax ku dhow toboneeyo qarax oo is xigxiga sida ay ku soo warramayaan dadka agdhow deegaankaas.

9/23/2013 6:56 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — iskahorimaad u dhexeeya ciidamada Kenya iyo ciidammo ajnabi ah oo caawinaya iyo xoogagga gacanta ku haya dhismaha ganacsi ee WESTGATE ayaa goor-dhow halkaa ka qarxay, iyadoo qaraxyo waaweyn laga maqlayo gudaha xaruntaas.

9/23/2013 6:29 AM EST
Isniin, Sebtember 23, 2013 (HOL)- Ciidamada badda ee Puntland ayaa howgal ay dhowrkii beri ee ugu dambeeyey ka wadeen magaalada Boosaaso, waxay kusoo qab-qabteen qaar kamida dadka tahriibta ka shaqeeya.

9/23/2013 4:42 AM EST
Isniin, Sebtember 23, 2013 (HOL) War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa si xooggan loogu cambaareeyey weerarkii ay dadka badni ku dhinteen ee ka dhacay suuqa Westgate, ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

9/23/2013 3:50 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlayay warbaahinta afka Al-shabaab ku hadasha ayaa ka digay in ciidamada Kenya iyo kuwa ajnabiga ah inay xoog ku muquuniyaan xoogaggooda ku jira xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.

9/23/2013 3:33 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Ciidamada Kenya iyo kuwo ka socda dalka Israa’iil ayaa waxaa la sheegay inay isku diyaarinayaan sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen dhismaha ganacsiga ee Westgate, halkaasoo maalintii saddexaad ay haystaan kooxo hubeysan oo ka tisran Al-shabaab.

9/23/2013 3:18 AM EST
Isniin, Sebtember 23, 2013 (HOL)- Doon ganacsi oo u rarneyd ganacsato reer Puntland ah, kuna soo jeeddey dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa ku degtey biyaha u dhexeeya dalalka Imaaraadka Carabta iyo Cummaan.

9/23/2013 3:18 AM EST
Isniin, September 23, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada Columbus, Ohio qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool, inkastoo ay jireen dad badan oo ka yimid gobollo fog-fog oo ay u suuro-geli wayday inay la kulmaan madaxweynaha Soomaaliya.