4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Ciidammo ka socda Israa'iil oo gudaha u galay Xarunta Ganacsiga Westgate si ay u badbaadiyaan Dadka afduubka loo haysto
Axad, September 22, 2013 (HOL) - Maalin kadib markii koox hubaysan ay weerar qorshaysan ku qaadeen xarunta Westgate ayaa waxaa arrinta soo faragaliyay ciidamada Israel.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa qortay in ciidamada Israel ay haatan gudaha u galeen xaruntaasi oo qayb ahaan ay leeyihiin Israa'iiliyiintu.

Weerarka ay qaadeen kooxaha hubaysan ee weeraray Westgate ayaa bilowday 26 saacadood ka hor, waxaana goobtaas la isugu keenay ciidamada sida gaarka ah u tababaran iyo khuburada dhinaca ammaanka si ay u dajiyaan qaabkii lagu gali lahaa dhismaha oo ay kooxihii hubaysnaa gacanta ku dhigeen.

Dhimashada ayaa sare u kacday iyadoo 59 qof dhimashadooda la xaqiijiyay halka dhaawacu marayo 200 oo qof.

Kooxda Al-shabaab ee gacan saarka la leh ururka Al-qaacida ayaa sheegtay inay mas'uul ka ahayd weerarka dhacay, ayna ka aar gudanaysay Kenya faragalinteeda ay ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya