4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Guddoomiyaha Maxkamadda iyo Xeer ilaaliyaha Degmada Baydhabo oo loo Taxaabay xabsiga kaddib markii lasoo eedeeyay

Axad, September 22, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maxkamadda iyo xeer ilaaliyaha degmada Baydhabo ayaa maanta xabsiga la dhigay, kaddib markii lagu eedeeyay inay xabsiga kasii daayeen nin gacan-ku-dhiigle ahaa oo lagu xukumay dil toogasho.

Mas’uuliyiintaan waxaa lagu eedeeyay inay ehelada gacan ku dhiiglaha ay sii daayeen ay ka qaateen lacago laaluush ah, arrintaas oo ay ka dacwoodeen qoyskii ninka laga dilay.

Inkastoo aan la ogeyn cidda bixisay amarka lagu soo xiray labadan mas’uul, ayaa haddana waxaa la sheegay in la bixiyay amar labadan mas’uul lagu soo xirayo, kuwaasoo lagu kala magacaabo: guddomiyaha maxkamada, Sheekh Maxamed Gaab iyo xeer-ilaaliyaha degmada Baydhabo Aamed Yare.

Xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku xiran dad badan oo ku eedeysan gacan-ku-dhiiglenimo kuwaasoo laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyadoo qaarkood ay ka mid yihiin ciidamada dowladda.

Maamulka waqtigiisu dhammaaday ayaa waxay shaqadiisa beryahan dambe noqatay inay ku kacaan howlo musuq-maasuq ah. Iyadoo aysan jirin cid kula xisaabtamaysa musuqmaasuqaas.

Hiiraan Online, Baydhabo