4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Dowladda Kenya oo sheegtay in 59-qof ay ku dhinteen 162 qof oo kale ay ku dhaawacmeen Weerarka Rugta Ganacsiga WESTGATE


Axad, September 22, 2013 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay in 59-qof ay ku dhinteen 162-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen weerarkii lagu qaaday rugta ganacsiga ee WESTGATE, halkaasoo qaybo ka mid ah ay weli gacanta ku hayaan kooxihii weerarka ku qaaday.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ku sugan yihiin hadda dabaqa koowaad iyo dabaqa labaad ee dhismaha, halka ay kooxaha hubeysan ee goobtaas qabsadayna ay iyaguna ku sugan yihiin dabaqyada saddexaad iyo afaraad.

“Weerarka lagu qaaday dhismaha WESTGATE waxaa ku dhintay 59-qof oo rayid ah, waxaana ku dhaawacmay 162-qof oo kale oo ay ku jiraan laba ka tirsan ciidamada dalka Kenya,” ayuu yiri Joseph Ole Lenku oo xukuumadda Kenya ka tirsan.

Dhismaha ayaa waxaa saakay kasoo baxay dhowr qof oo qaarkood ay kasoo badbaadiyeen halkaas ciidamada Kenya halka kuwo kalena ay soo daayeen kooxaha hubeysan ee gacanta ku haya qaybo ka mid ah dhismaha.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in weli rasaas laga maqlayo gudaha xaruntaas oo ay ku jiraan dad badan oo shalay lagu qabsaday, iyadoo dadkii laga soo daayay halkaas ay qaarkood sheegeen in kooxaha hubeysan ay dadka u kala soocayeen muslim iyo kirishtan.

Inkastoo ciidamada Kenya ay dadaal xooggan ugu jiraan sidii ay dhismahaas uga saari lahaayeen kooxaha hubeysan, ayaa waxaa haddana la sheegayaa in kooxaha hubeysan ay iska difaacayaan ciidamada, waxaana baqdinta ugu weyn ee la qabo ay tahay halka ay ku dambeyn doonto xaaladda dad fara badan oo dhismaha lagu haysto.

Bannaanka dhismaha WESTGATE ayaa waxaa ku sugan saraakiil iyo xubno ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka Kenya, kuwaasoo warbaahinta kula hadlaya dibadda xaruntaas, iyagoo ka warbixinaya hadba meesha uu xaalku marayo.

Weerarkan ayaa waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta, iyadoo aysan jirin cid ka mid ah kooxaha la wareegay gacan ku haynta dhismahan oo la dilay ama la qabtay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya