4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 22, 2013
Ciidanka Kenya oo weli la hardamaya kooxo Hubeysan oo shalay Qabsaday Xarunta Ganacsiga WESTGATE ee Magaalada Nairobi

Axad, September 22, 2013 (HOL) — Ciidamada Kenya ayaa weli dagaal kula jira kooxo hubeysan oo shalay barqadii la wareegay xarunta ganacsiga ee WESTGATE oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Wararka laga helayo Nairobi ayaa sheegaya in kooxihii hubeysnaa ay weli ku jiraan qaybo ka mid ah xaruntaas ganacsi, iyagoo halkaas ku haysta dad aad u badan oo isugu jira Kenya iyo ajnabi.

“Xarunta ganacsiga ee Westage weli waxaa ka dhacaysa rasaas fudud oo ay is-weydaarsanayaan kooxihii hubeysnaa oo gudaha ku jira iyo ciidamada Kenya oo ku sugan qaybo ka mid ah dhismaha iyo bannaankiisa,” ayuu yiri goobjooge Soomaali ah oo ku sugan magaalada Nairobi.

Mas’uuliyadda weerarkan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab oo Soomaaliya ka dagaalanta, iyadoo ku sheegtay qoraal ay soo saartay inuu yahay mid ay ugu aar-gudayaan dadkii Soomaaliyeed ee ciidamada Kenya ay ku laayeen gudaha Soomaaliya.

Saraakiisha ammaanka Kenya ayaa sheegay in howgalka ay soo gabagabeyn doonaan barqonimada maanta oo Axada ah, iyagoo aan sheegin cid ka mid ah kooxihii hubeysnaa ee weeraray goobtaas oo la qabtay ama la dilay.

Weerarkan oo noqonaya kii ugu weynaa ee dalka Kenya ka dhaca tan iyo markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya ayaa sababay dhimashada in ka badan 40-qof oo uu ku jiro wiil Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin.

Bannaanka xarunta ganacsiga WESTGATE ayaa waxaa weli ku sugan shacab aad u fara badan, kuwaasoo ehelladooda lagu haysto gudaha xarunta iyagoo sugaya in ehelladooda ay dibadda u soo baxaa iyagoo nool.

Dhanka kale, Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa sheegaya inay la soo daristay cabsi weyn, kaddib markii weerarkan mas’uuliyaddiisa ay xalay sheegatay Al-shabaabta ka dagaalanta Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya