4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2013
Dowladda Suuriya oo sheegtay inaan dagaallada ka socda dalkaas lagu kala adkaan Karin, ayna ku dhawaaqayso xabbad-joojin


Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka Suuriya, Qadri Jamiil ayaa sheegay in dagaallada sokeeye ee dalkiisa ka socda ay gaareen heer aan la kala adkaan Karin, wuxuuna sababta ku sheegay in kooxaha dagaalamaya aysan xoog isku muquunin karin.

Qadri Jamiil ayaa hadalkiisa ku daray in dowladda Suuriya ay ku talo jirto inay ku baaqdo xabba-joojin iyo in magaalada Geneva lagu qabto shir looga hadlayo sidii wax looga qaban lahaa dagaallada Suuriya, hindisahaas oo la rumaysan yahay in Ruushku ka dambeeyo.

Sidoo kale, Qadri Jamiil wuxuu sheegay in dalkiisa ay dhibaato weyn kasoo gaartay dagaallada sokeeye oo billowday sannadkii 2011-kii. Sidoo kalena dad ka badan 100,000 oo qof ayaa ay ku dhinteen, iyadoo dhowr milyan oo qofna la rumeysan yahay inay dalkaas ka barakaceen.

Dagaallada dalka Suuriya ayaa waxay noqdeen kuwo dabo-dheeraaday taas oo keentay in dalalka caalamku ay si weyn ugu kala fikir duwanaadaan uuna dal walba dalka kale ku eedeeyo inuu mas’uul ka yahay dagaallada Suuriya ka socda.

Hadlakan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo laba kooxood oo ka mid ah kuwa ka dagaalamaya Suuriya ay heshiis gaareen maanta, kaddib markii ay dagaalamayeen dhowr bilood oo xiriir ah.

Dhinaca kale, Maraykanka ayaa ugu baaqaya Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey in si dhaqso badan loogu dhaqaaqo sidii looga wax-ka-qaban lahaa hubka kiimikada ka sameysan ah ee Suuriya, kaasoo dalalka reer galbeedka oo uu Mareykanku ku horreeyo ay xukuumadda Assad ku eedeeyay inay u adeegsadeen dad shacab ah oo ku nool magaalo ku dhow xarunta dalkaas ee Dimishiiq.

Inkastoo madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Assad uu arrintaas gaashaanka ku dhuftay ayaa wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo heshiis Mareykanka iyo Ruushku ay ku gaareen magaalada Geneva, kaasoo dhigayay in Suuriya ay burburiso hubka kiimikada ka sameysan.

Madaxweynaha cusub ee Iran, Xasan Ruuxaani ayaa isna sheegay in Iran ay diyaar u tahay inay kaalin ka qaadato dhex-dhexaadinta kooxaha isku-haya dalka Suuriya, si xal loo gaaro, nabadda gobolkuna ay u soo laabato.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya