4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2013
Taleefishin ku yaal dalka Marayka ayaa tabiyay in Alshabaab ay samaysanayso hub kiimikaal ah

Jimco September 20, 2013 (HOL) - Talefishinka CBS ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa tabiyay in kooxda Alshabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta ay samaynayso hub kiimikiil ah taasoo ay kasoo xigteen dukumiinti Maxkamadeed oo la helay kaas oo muujinaya in Al Shabaab oo ah koox xiriir la leh Ururka Al-qaacida ay ku howlantahay horumarinta hub Kiimikaal ah oo ay samaysato.

Waxaana Dikumiintigu uu sheegayaa in Alshabaab ay baaritaano iyo cilmi baaris ku hayso sidii ay horumarin lahayd samaysashada hubka kiimikaalka ah ee sida ba'an wax u gumaada, warkaas oo laga helay niman saddex ah oo Alshabaab horay uga tirsanaa kuwaasoo haatan ku xiran waddanka Maraykanka.

Mahdi Xaashi ayaa lagu sheegay magaca mid kamid ah ragga la qabtay ee macluumaadkan laga helay, waxaana la xiray bishii August 2012kii, waqtigaasi oo lagu eedeeyay in ay ku sii jeedeen dalka Yemen, islamarkaana ay doonayeen in ay ku biiraan Al-qaacidada Jasiiradda Carabta ee xarunta ka dhigatay dalkaasi Yemen, sidaas waxaa uu sheegay taleefishinka John Miller oo ah wariye ka tirsan CBS oo la socday kiiska maxkamada.

Mahdi Xaashi oo kamid ah ragga maxkamadu ku socoto ayaa ah muwaadin Soomaaliyeed oo haystay dhalashada dalka Britain waxaase Britain ay ka qaadday baasaboorka kadib markii lagu eedeeyay inuu ku kamid ahaa rag isu diyaariyay inay ka qayb qaataan falal argagixiso oo doonayay inay ku biiraan ururka Alshabaab oo kamid ah ururrada sida tooska ah u hoostaga Al-qaacida.

Warkani maahan mid si rasmi ah uga soo baxay dawlada Maraykanka oo laga yaabo hadii warkani dhab noqdo inay marmarsiiyo u hesho faragalin militari oo toos ah oo ay ku samayso Soomaaliya iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay uu Maraykanku si dirqi ah ku baajiyay weerar uu doonayay inuu ku qaado dawladda Syria oo lagu eedeeyay inay hubkaas kiimikaalka ah isticmaashay, taasoo maalmihii ugu dambeeyay ay Ruushku ku hagoogteen kana dhaadhiciyeen Syria inay wareejiso hubkeeda Kiimikaalka ah.

Warka uu tabiyay talefishinka CBS ilaa iyo hadda dawladda Soomaaliya kama jawaabin, wuxuuna ku soo beegmay xilli madaxweynaha Soomaaliya uu booqasho ku joogo dalka Maraykanka oo la filayo inuu kulamo rasmi ah kula qaato madax ka tirsan dalkaas.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya