4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2013
Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif oo ka Qayb-galay dhismaha Masaajidka Bardaha ee Magaalada Beledweyne (SAWIRRO)


Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo boqollaal dadweyne ah oo isaga kala yimid xaafadaha magaalada Beledweyne ayaa maanta si wada jir ah uga qeyb qaatay dhismaha qeybtii koowaad ee masjidka Bardaha ee magaalada Beledweyne.

Waxaa gabagabo maraya islamarkaana soo dhamaaday dhismaha qeybtii koowaad ee masjidka Baradaha oo soo socday muddo shan bilood ah, waxaana lagu wadaa in dhowaan la bilaabo dhismaha dabaqa labaad ee masjidka.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo hadal u jeediyay boqolaal dadweyne ah oo isugu jiray rag iyo dumar isugu soo baxay maanta shubka masjidka ayaa sheegay in cid kasta oo gacan ka geysta dhismaha masjidka Alle ugu kabayo miisaanka Aakhiro, isaga oo uga mahad celiyay bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne sida ay isaga xil saareen soo gabagabeynta qeybta koowaad ee masjidka.

“Waan u mahad celineynaa cid kasta oo gacan ka geysatay dhismaha masjidka, Ajarkooda Alle unbaa xisaabaya, laakiin annaga waxaan leenahay waad mahadsan tihiin, inkastoo hadda uu soo dhamaaday dhismaha qeybtii koowaad wali lama oran karo guud ahaan waa la gabagabeeyay dhismaha masjidka, waxaa dhimin qeybtii labaad ama dabaqii labaad oo hadda loo gudbiyo, sidaa daraadeed waxaan ugu baaqayaa guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne in ay gacan ka geystaan sidii ay horayba uga qeyb-qaateen dhismaha qeybta Labaad ee masjidka, ''ayuu yiri Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Dhinaca kale, Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa fariin gaar ah u dirray Jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan reer Hiiraan ee ku dhaqan dalka dibadiisa in ay ka gacan siiyaan guddiga masjidka sidii horay loogu sii dhaqaajin lahaa qeybaha dhisman.

“Masjidka waxaa ku xirnaa oo cilmiga diinta ka raacan jiray Soomaali oo dhan ma'aha reer Hiiraan oo kaliya, sidaa daraadeed waxaa ugu baaqayaa Jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo kuwa reer Hiiraan ee ku dhaqan dalka dibadiisa in ay gacan siiyaan masjidka, si markaa loogu guuleysto dhameystirkiisa,'' ayuu yiri Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Cismaan Maxamed Cilmi [Cismaan Caato] oo ka mid ah howlwadeenada dhismaha masjidka, ayaa sheegay in wixii hadda ka danbeeya loo gudbi doono dhismaha qeybta Labaad ee masjidka, isaga oo intaa ku darray in wali u baahan yihiin taageerada bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Jaaliyadaha Hiiraan ee ku dhaqan dalka dibadiisa.

“Waxa aan ka shaqeyneyno waa masjid wax kale ma'aha, cid kasta oo wax ku darsata waxaa ay ku xisaabtami doontaa meel Aakhiro, sidaa daraadeed dhamaanteen waa in aan u istaagnaa sidii aan masjidka u dhisi laheyn,'' ayuu yiri Cismaan Caado.

Waxaa uu guud ahaan u mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb-qaadatay in heerkan uu soo gaaro mudo shan bilood ah masjidka, si gaar ah waxaa uu mahad ballaaran ugu celiyay bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne oo si gaar ah isaga xil saaray dhismaha masjidka iyo qaar ka mid ah jaaliyadaha dibada oo qeybta ka qaatay dhismaha masjidka.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya