4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2013
Mareyanka oo Malaayiin lagactiisa ah ku bixinaya sidii lagu horumarin lahaa Aqoonta iyo Dimuqraadiyadda Soomaaliya


Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa daboolka ka qaadday inay 69-milyan oo doollar ku bixinayso dib u dhiska Soomaaliya, sida kobcinta dhaqaalaha, waxbarasahada, horumarinta dimuqraadiyadda, xukuumadda iyo shuruucda kala duwan ee dalka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa arrintan lagu sheegay, iyadoo lagu soo beegay xilli toddobaadkan shir loogu qabtay Soomaaliya magaalada Burssels ee xarunta dalka Belgium, kaasoo beesha calaamku ay ugu yaboohday 1.8 milyan EURO sidii saddexda sano ee soo socota dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya.

“Iyadoo laga shidaal-qaadanayo barnaamijka Higsiga Cusub ee Soomaaliya ama New Daeal, Mareykanku wuxuu ballanqaadayaa inuu sii wadayo sidii uu ku caawin lahaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayay tiri Marie Harf oo ah ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Iyadoo sii hadlaysa ayay hadalkeeda raacisay: “Go’aankeenna waxaa ka mid ah inaan si dhow ula shaqeyno dowladda federaalka ah iyo shacabka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo horumarinta nolol maalmeedka shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena sare loogu qaado xiriirka u dhexeeya labada dal.”

Marie Harf ayaa dhinaca kale sheegtay, inay ku faraxsan yihiin in Soomaaliya ay ka baxday colaadaha ayna u jiheysatay dhinaca dib u dhiska, iyadoo ugu baaqday shcabka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool inay qayb ka qaataan dib u dhiska dalkooda.

Dowladda Mareykanka ayaa aqoonsatay dowladda Soomaaliya muddo 22-sano ah kaddib, waxaana taasi ay horseedday in indhaha beesha caalamka ay usoo jeestaan Soomaaliya iyo sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Washington ku sugan maanta oo Jimco ah, isagoo halkaas kula kulmi doona madaxda dalka Mareykanka qaarkood, sida xoghayaha arrimaah dibadda ee Mareykanka, John Kerry iyo xoghayaha gaashaan-dhigga, Chuck Hagel.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya