4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2013
XASAN SHEEKH: “Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Taliyaaniga Qaarkood waxay ku nool yihiin nolol xanuun badan”

Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan booqday magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee Talyaaniga ku nool ay qaarkood haysato nolol xumo aad u daran.

Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhibaatadu ay ku haysato Talyaaniga inay dalkooda ku laabtaan, isagoo xusay inay uga wanaagsan tahay gaajada ku haysta Talyaaniga inay ku gaajoodaan dalkii ay u dhasheen.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Taliyaaniga ku nool qarkood waxaa halkan ku haysata nolol xumo aad u xanuun badan, waxaana ugu baaqi lahaa inay dalkooda ku laabtaan ayna ka qaybqaataan dib u dhiskiisa iyo nabadeyntiisa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa is weydiiyay cidda ay dhallinyaradan uga soo tageen dalkooda, maadaama ay yihiin xooggii ka shaqeyn lahaa sidii uu dalku u noqon lahaa nabad iyo caqligii keeni lahaa fikradaha wanaagsan ee dalka lagu horumarin karo.

“Waxaan ugu baaqayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee halkan ku nool iyo kuwa gudaha dalka ku sugan inay iskaashi sameeyaan oo ay ka shaqeeyaan sidii dalkooda uu u noqon lahaa mid nabdoon oo xasillooni ay ka jirto,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.

Mar uu si gaar ah ula hadlay dhalliniyarada ku dhibaateysan Talyaaniga ayuu sheegay in dhibaatada halkan ku haysata ay tahay mid aad u xun, laakiin uu kula talin lahaa inay dalkooda ku laabtaan oo haddii ay gaajoonayaan ay ku gaajoodaan dalkooda, intii ay ku gaajoon lahaayeen dal shisheeye.

Kumannaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo maray badda u dhexeysa Liibiya iyo Italy ayaa waxay ku sugan yihiin dalka Talyaaniga, kuwaasoo intooda badan aan haysan shaqooyin iyo sharciyo, halka qaar kalena ay ka baxeen Talyaaniga oo ay u gudbeen dalalka kale ee Yurub.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed isku diyaarinayaan inay tahriib ahaan ku galaan dalka Talyaaniga iyo Jaziiradda Malta si ugu gudbaan dalalka kale ee Yurub.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya