3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 20, 2013
Magaalada Columbus ee Gobolka OHIO oo looga diyaar-garoobayo sidii lagu soo dhaweyn lahaa Madaxweynaha Soomaaliya

Jimco, September 20, 2013 (HOL) —Soomaalida ee ku nool magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxay diyaar-garow xooggan ugu jiraan sidii ay ku soo dhaweyn lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminay, kuwaasoo la filayo inay gaaraan Columbus maalinta Axadda ah oo ay bishan ku beegan tahay 22-ka.

Waxaa la qorsheeyay in madaxweynuhu la kulmo bulshada Soomaaliyeed oo uuna ka qayb-galo xaflado soo dhaweeyn ah oo lagu qaban doono hoteel-ka Hilton ee Polaris habeenka Axadda 7PM-11PM oo ay ka soo qeybgali doonaan madaxda gobolka iyo degmada Columbus iyo qeybaha kala duwan ee dadka ku nool gobolkaas.

Marwo Khadra Mohamed oo ka mid ah guddiga ku howlan soo dhoweeynta madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa sheegtay in Soomaalidu ay diyaar-garow xoog leh ugu jiraan sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen madaxda dalkooda.

“Waxaa i farxad-gelineysa isku duubnida iyo wadajirka ka muuqda bulshada iyo in dadku u baraarugay inay madaxda dalkooda garab istaagaan ayeey tiri Khadra. Hodan Muxumad Tiir oo ka mid ah gabdhaha Soomaaliyeed ee abaabulaaya soo dhoweeynta madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa sheegtay in ay reer Columbus si fiican u soo dhoweyn doonaan madaxdooda ayna u muujin doonaan shacabka Mareeykanka in Soomaalidu wacyigooda kordhay oo ay garowsadeen in ay isku duubnaadaan.

Subaxa Isniinta, 23ka Sebteembar, Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu khudbad dheer ka jeedin doonaa Jaamicadda Ohio State University iyada oo Madaxweynaha iyo wafdigiisu ay la quraacan doonaan madaxda Jaamicadda Ohio State subaxaas. Waxaa buux dhaafay dadkii loogu talo galay in ay is diiwaan geliyaan  xafladda Jaamicadda Ohio State oo ay hadda qabanayaan oo keliya dad boos sugayaal ah (waiting list).

Xildhibaan Mohamud Boonow oo ka mid ah guddiga qabanqaabada ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu ku soo dhoweeyo madaxweynaha iyo wafdigiisa Magaalada Columbus oo uu deggan yahay oo uuna u baajiyey safar oo uu ku laaban lahaa dalka si uu u uga qeybgalo kal-fadhigii saddexaad ee furitaanka baarlamaanka. Guddiga soo dhoweeynta madaxweynaha oo ay ka mid yihiin rag iyo haween mug ku leh jaaliyadda Columbus ayaa aad u sugaya in ay mar uun ku soo dhoweeeyaan madaxweynaha iyo wafdigiisa gobolka Ohio oo ay deggan yihiin Soomaali lagu qiyaaso ilaa iyo 50,000 oo qof.

Cabdulqaadir Cali Cabdi (Xuurka)
Hiiraan Online, Columbus












Click here
9/20/2013 3:55 PM EST
Jimco, 20 September 2013(HOL)—Agaasimaha Hay’adda Cilmi baarista iyo wadatashiga CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ka mid ah aqoonyahannadii ka qeybgalay shirkii New Deal ee Soomaaliya loogu qabtay xarunta Midowga Yurub uu leeyahay Magaalada Brussels ee dalka Belgium ayaa wareysi ku saabsan shirkaas waxaa uu siiyay TV-ga Somali Channel, wuxuuna wareysiga uga warramay mirihii shirka ka soo baxay...

9/20/2013 1:09 PM EST
Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay u magacowday guddoomiyaha bankiga dhexe ee dalka haweeney Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Yusur Abraar, iyadoo bedelaysa C/salaam Cumar Hadliye oo horay xilkaas u hayay.

9/20/2013 1:08 PM EST
Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenka Suuriya, Qadri Jamiil ayaa sheegay in dagaallada sokeeye ee dalkiisa ka socda ay gaareen heer aan la kala adkaan Karin, wuxuuna sababta ku sheegay in kooxaha dagaalamaya aysan xoog isku muquunin karin.

9/20/2013 10:18 AM EST
Taleefishinka CBS ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa tabiyay in kooxda Alshabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta ay samaynayso hub kiimikiil ah taasoo ay kasoo xigteen dukumiinti Maxkamadeed oo la helay oo muujinaya in Al Shabaab oo ah koox xiriir la leh Ururka Al Qacidda ay ku howlantahay horumarinta hub Kiimikaal ah oo ay samaysato.

9/20/2013 8:54 AM EST
Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo boqolaal dadweynaha oo isaga kala yimid xaafaddaha magaalada Beledweyne ayaa maanta si wada jir ah uga qeyb-qaatay shubka qeybtii koowaad dhismaha masjidka Bardaha ee magaalada Beledweyne.

9/20/2013 8:39 AM EST
Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa daboolka ka qaadday inay 69-milyan oo doollar ku bixinayso dib u dhiska Soomaaliya, sida kobcinta dhaqaalaha, waxbarasahada, horumarinta dimuqraadiyadda, xukuumadda iyo shuruucda kala duwan ee dalka.

9/20/2013 8:13 AM EST
Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan booqday magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee Taliyaaniga ku nool ay qaarkood haysato nolo xumo aad u daran.

9/20/2013 8:10 AM EST
Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Illaa shan qof ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen mudaharaadyo rabshado wata oo xalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kaasoo keenay in la boobo dukaamo ku yaalla magaaladaas.

9/20/2013 1:59 AM EST
Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xassan Suleyman, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax Cabduqaadir iyo la-taliyeyaal qaas ah ayaa maanta gaaray magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, halkaasoo ay kula kulmi doonaan madax sare ee dalkaas.

9/20/2013 1:53 AM EST
Jimco, September 20, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 11-qof oo ka mid ah dadka ka xoogsada jabinta kaawooyinka dhagaxa ayaa ku dhintay shan kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii shalay kaawo ay qodayeen ay kula duntay duleedka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.